Rooble iyo Qoorqoor oo telefoonka kuwada hadlay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra'iisul wasaaraha xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble iyo madaxweynaha Galmudug, Axmed Qoorqoor, ayaa kuwada hadlay telefoonka, sida ay shaacisay xukuumadda federaalka.

Afhayeenka xukuumada xilgaarsiinta Soomaaliya, Maxamed Ibraahin Macalimuu, ayaa shaaca ka dhigay in labada mas'uul ay kawada hadleen soo gudbinta liiska Galmudug ku metalaya guddiyada doorashada.

Waxa goor la filayaa Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye inuu soo gudbiyo liiska guddiga doorashooyinka Dowad Goboleedka Galmudug ee wax ka badalka lagu sameeyay," ayuu yiri.

Macalimuu ayaa ku daray: "Wadahadal khadka telefoonka ku dhexmaray Ra'iisul Wasaare Rooble iyo Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayuu Madaxweynuhu waxa uu xaqiijiyay Ra'isul Wasaaraha sida ballankuba uu ahaa inuu soo gudbinaya liiska sida ugu dhaqsaha badan".

"Ra'isul Wasaare Rooble ayaa u mahad celiyay Qoor Qoor si la mid ah sidii uu ugu mahad celiyay Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada ee horey u soo gudbiyay liiska," ayuu tibaaxay.

Wuxuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay: "Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye ayaa waxa uu door fiican ku lahaa howshii xasilinta Caasimadda iyo Hishiiskii ay dhawaan Madaxda Dowlad Goboleedyadu ku saxiixeen Muqdisho kaas oo dalka u jiheeyay doorasho".

Wadaxaajoodka telefoonka labada mas'uul ayaa kusoo aadaya xilli xukuumadda ay shalay ku dhaliishay Qoorqoor in uu maamulkiisu yahay kan kaliya ee aan soo gudbin xubnaha ku metelaya guddiyadda doorashada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM