Rooble: Kiiska Ikraan ma saameyn doono doorashada

Image
Muranka Rooble iyo Farmaajo ayaa sare u qaaday cabsida laga qabo in doorashada Soomaaliya uu dib-u-dhac kale ku yimaado.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra'iisul wasaaraha xilgaarsiinta Rooble ayaa sheegay in khilaafka kala dhaxeeya madaxweynaha waqtigu ka dhacay Farmaajo uusan saameyn ku yeelan doonin qabashada doorashooyinka daahay.

"Waxaa naga go'an in aan doorashooyinka u qabanno sidii la qorsheeyay, arrimaha kale ee jirana wax saameyn ah kuma yeelan doonaan doorashooyinka," ayuu Mr Rooble u sheegay wafdi ka socda Qaramada Midoobay oo uu hoggaaminayay ku-xigeenka xoghayaha guud Amina Mohammed oo booqatay Muqdisho Axadii asbuucan.

Muranka Rooble iyo Farmaajo, oo ka dhashay sida ay dowladda u maareysay kiiska haweenaydan la la'yahay, ayaa sare u qaaday cabsida laga qabo in hanaanka doorashada Soomaaliya uu dib-u-dhac kale ku yimaado.

Dalka dhaca geeska qaaradda hodanka ah ee Afrika ayaa lagu wadaa inuu qabto doorashada baarlamaanka inta u dhexeysa 1 Oktoobar iyo 25-kaka Nofembar.

Axaddii, Aamina ayaa la kulantey Mr Rooble iyo Mr Farmaajo waxayna ku boorrisay inay ka fogaadaan dhaqdhaqaaq kasta oo "keeni kara rabshado oo dib u dhigi kara doorashooyinka ama wiiqi kara kalsoonidiisa".

Madaxda dowlad goboleedyada Koonfur Galbeed iyo Galmudug ayaa bilaabay dadaallo lagu qaboojinayo xiisada u dhaxeysa madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaadey iyo ra’iisul wasaaraha horkacaya xukuumada xilgaarsiinta.

Kiiska Ikraan ayaa u muuqanaya mid aanan doodiisu ku dhamaan doonin guddiga uu u saarey Farmaajo waxaana uu ku biirayaa mawduucyada waaweyn ololaha doorashada si gaar ah in dalka u baahan cadaalad loo siman yahay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM