Rooble: Kiiska Ikraan Tahliil wuxuu noqdey dood Qaran

Image
Ra'iisul wasaaraha xilgaarsiinta ayaa meesha ka saarey in la siyaasadeynayo qadiyaddan.

MUQDISHO, Soomaaliya - Kiiska Ikraan Tahliil Faarax ayaa u dalacay dood qaran, sida uu Axada maanta ah shaaca ka dhigay xafiiska ra'iisul wasaaraha xilgaarsiinta oo meesha ka saarey uu siyaasad ku lug leeyahay.

Wasiirka koowaad Maxamed Xuseen Rooble ayaa, sida uu xafiiskiisu sheegay, wuxuu kulanka uu maanta la yeeshay wafdi ka socday Qaramada Midoobay ka socday ka sheegay in uu ahmiyad siinayo qadiyadan.

Sida uu sheegay afhayeenkiisa Maxamed Ibraahim Macalimuu, madaxwayneyaasha maamulada oo shirka qeyb ka ahaa ayaa Rooble u muujiyey in ay ku garab taagan yihiin qaabka uu ilaa hadda u maareynayo kiiskan.

Wafdiga Qaramada Midoobay waxaa hogaamineysay Ku-xigeenka Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Marwo Amina Jane Momamed. Sidoo kale, waxaa goobjoog ahaa ergayga UN-ka ee Muqdisho, James Swan.

Beesha Caalamka oo horey walaac uga muujisay xiisada ka dhalatay kiiska Ikraan Tahliil ayaa codsatay in aysan sii fogaan isla markaana loo maareeyo laguna soo gabagabeeyo qaab ku saleysan daahfurnaan.

Xiisada ka dhalatay kiiskan ayaa gaartey in ay ku kala qeybsamaan hogaanka dalka iyadda oo madaxweynaha waqtigu ka dhamaadey Farmaajo lagu eedeeyay in uu gabaad-siinayo eedeysaneyaasha gal-dacwadeedkan.

Ikraan oo ahayd xubin sare oo ka tirsan hay'adda sirdoonka qaranka ayaa la waayey wax ka badan laba bilood kahor. Hay'addu waxay sheegtay in ay Al-Shabaab dishay hase ahaatee qoyskeedu kuma qancin sheegashadaas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Masar oo ka hadashay Qaraxii lala eegtay Dhalinyarada qoranaysay Askarta

Bayaanka Masar ayaa si cad u sheegay taageerada dowladda Masar ee hay’adaha Soomaaliyeed, gaar ahaan ciidanka iyo ciidamada amniga.

  • Soomaliya

    19-05-2025

  • 12:56PM

Milanka Al-Shabaab ee Ciidanka Qaranka oo Walaac Dhalinaya Kadib Dilalka Taliyeyaal Sare

Khabiirada amniga ayaa si isa soo taraysa uga digaya in Al-Shabaab ay si qoto dheer ugu milantay Ciidanka Qaranka.

  • Soomaliya

    18-05-2025

  • 04:26PM