Rooble oo amar dul-dhigay golaha wasiirada Soomaaliya
MUQDISHO, Soomaaliya - Ra'iisul wasaaraha xilgaarsiinta Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble, ayaa faray wasiiradiisa in aysan gaari karin go'aano uusan xafiiskiisa ka war hayn, sida ku xusan warqad soo baxdey.
Warqadan oo ku taariikheysan 26-ka bishan May sanadka 2021 oo sidoo kale ku socota dhamaan hay'adaha dowliga ah ayaa lagu xusay in talaabadan ay tahay mid xoojineysa wadashaqeynta iyo isla-xisaabtanka.
"Go'aankani wuxuu fududeynayaa wadashaqeynta iyo isla-xisaabtanka laamaha dowladda iyo in aan la qaadan xilligan go'aano dalka ku yeelan kara saameyn siyaasadeed, amni, maamul iyo mid dhaqaale, wuxuu xaqiijinayaa in aanu dhicin xadgudub ku saleysan ku takrifal dowladeed," ayaa lagu soo gabagabeeyay qoraalkan uu Rooble ku saxiixan yahay.
Qoraalkan ayaa wuxuu kusoo hagaagaya xilli Khamiista todobaadkii hore ay madaxda Soomaalida heshiis mideysan ka gaaraan khilaafka doorashada oo soo jiray in ka badan shanti bilood ee aynu kasoo gudubnay.
Rooble ayaa madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaadey Farmaajo wuxuu kala wareegay ammaanka iyo maamulka doorashooyinka. Farmaajo wuxuu ku fashilmay in uu waddanka gaarsiiyo doorasho loo-dhan-yahay.
Farmaajo ayaa looga fadhiyey in markii uu waqtgiisu dhamaado uu saxiixo warqad uu ku farayo hay'adaha dowliga ah in aysan ku dhaqaaqi karin talaabooyin abuurayo xasilooni darro inta lagu guda jiro xilliga kala guurka.
Soomaaliya ayaa haysta waaya-aragnimo ku saabsan in marka dowladihii talada isaga kala dambeeyay uu waqtiga ka dhacay waxaa mas'uuliyiintii ka tirsanaa la sheegay in ay ku kaceen talaabooyin ku takrifal iyo boob isugu jira.
Hoos ka akhriso qoraalka
GAROWE ONLINE