Rooble oo amar kasoo saarey kiiska Ikraan Tahliil Faarax

Image
Ra'iisul wasaaraha xilgaarsiinta ayaa hadalkan ka sheegay munaasabada daahfurka doorashada kuraasta goboalda waqooyi.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra'iisul wasaaraha xilgaarsiinta xukuumada federaalka Rooble ayaa mar kale wuxuu carabka ku adkeeyay in ay ka go'an tahay cadaalad ay hesho Ikraan Tahliil Faarax.

Rooble oo ka hadlayey munaasabada daahfurka doorashada kuraasta goboalda waqooyi ayaa xusay in mustaqbalka dhow ama kan fog uu ka shaqeyn doono maxkamadeynta "dambiileyaasha".

"Waxaan u taaganahay Cadaaladda kuwa dhibka u geystay Ikraan Tahlil ama maanta aan helno ama berri aan helno gacanta shacabka ayay soo geli doonaan, waana lala xisaabtami doonaa, qalbigiina kheyr u sheega," ayuu yiri.

Wuxuu ku daray: "Maxkamadda Milateriga ayaa loo xilsaaray, go’aankeeda ayaa sugeynaa, dhammaan howlaheeda inay wadato ayaa raieynayaa horayna waa u faray, haddana waa farayaa sida ugu dhaqsiyaha badan u bilowdaan, cadaaladaas ayaa na wada deeqdo".

Dhanka kale, Rooble oo la hadlaya murashaxiinta iyo Ergada Aqalka Sare ee Somaliland ayaa tilmaamay sida ay uga go'an tahay dhammeystirka qabsoomidda doorashooyinka dalka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa kula dardaarmay Ergada wax dooranaysa in  sababaha lagu kala dooranayo murashaxiinta ay noqdaan kuwo ku saleysan aqoonta, daacadnimada iyo waddaniyadda.

Wasiirka koowaad ee dalka ayaa sidoo kale wuxuu ku waaniyey maamuladda inay soo dhammeystiraan xubnaha ka dhimay xildhibaannada agalka sare, si loo doorto guddoonka Agalka Sare.

Ugu dambeyntii, Rooble ayaa ku nuux-nuux-sadey in xukuumadiisa ay ka go'an tahay in dalka uu xaalada siyaasadeed oo haatan ku jiro kaga gudbo qaab nabdoon si loo aqbalo natiijada coddeynta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo ku adkeystay hirgelinta doorashada lagu muransan yahay ee qof iyo codka ah

Si kastaba, inta badan odayaashii dhaqanka ee ka qeyb galay kulanka ayaa ugu baaqay Madaxweynaha inuu dib u eego mowqifkiisa.

  • Soomaliya

    28-04-2026

  • 01:16PM

Maxay tahay sababta dib loogu dhigay Doorashada Koonfur Galbeed?

Sida ku cad bayaanka rasmiga ah ee ka soo baxay guddiga, maalinta cod-bixinta ee guud ahaan Koonfur Galbeed ayaa loo weeciyay 10-ka May, 2026.

  • Soomaliya

    28-04-2026

  • 12:40PM