Rooble oo amar kasoo saarey kiiska Ikraan Tahliil Faarax

Image
Ra'iisul wasaaraha xilgaarsiinta ayaa hadalkan ka sheegay munaasabada daahfurka doorashada kuraasta goboalda waqooyi.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra'iisul wasaaraha xilgaarsiinta xukuumada federaalka Rooble ayaa mar kale wuxuu carabka ku adkeeyay in ay ka go'an tahay cadaalad ay hesho Ikraan Tahliil Faarax.

Rooble oo ka hadlayey munaasabada daahfurka doorashada kuraasta goboalda waqooyi ayaa xusay in mustaqbalka dhow ama kan fog uu ka shaqeyn doono maxkamadeynta "dambiileyaasha".

"Waxaan u taaganahay Cadaaladda kuwa dhibka u geystay Ikraan Tahlil ama maanta aan helno ama berri aan helno gacanta shacabka ayay soo geli doonaan, waana lala xisaabtami doonaa, qalbigiina kheyr u sheega," ayuu yiri.

Wuxuu ku daray: "Maxkamadda Milateriga ayaa loo xilsaaray, go’aankeeda ayaa sugeynaa, dhammaan howlaheeda inay wadato ayaa raieynayaa horayna waa u faray, haddana waa farayaa sida ugu dhaqsiyaha badan u bilowdaan, cadaaladaas ayaa na wada deeqdo".

Dhanka kale, Rooble oo la hadlaya murashaxiinta iyo Ergada Aqalka Sare ee Somaliland ayaa tilmaamay sida ay uga go'an tahay dhammeystirka qabsoomidda doorashooyinka dalka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa kula dardaarmay Ergada wax dooranaysa in  sababaha lagu kala dooranayo murashaxiinta ay noqdaan kuwo ku saleysan aqoonta, daacadnimada iyo waddaniyadda.

Wasiirka koowaad ee dalka ayaa sidoo kale wuxuu ku waaniyey maamuladda inay soo dhammeystiraan xubnaha ka dhimay xildhibaannada agalka sare, si loo doorto guddoonka Agalka Sare.

Ugu dambeyntii, Rooble ayaa ku nuux-nuux-sadey in xukuumadiisa ay ka go'an tahay in dalka uu xaalada siyaasadeed oo haatan ku jiro kaga gudbo qaab nabdoon si loo aqbalo natiijada coddeynta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Milanka Al-Shabaab ee Ciidanka Qaranka oo Walaac Dhalinaya Kadib Dilalka Taliyeyaal Sare

Khabiirada amniga ayaa si isa soo taraysa uga digaya in Al-Shabaab ay si qoto dheer ugu milantay Ciidanka Qaranka.

  • Soomaliya

    18-05-2025

  • 04:26PM

Axmed Madoobe oo Nairobi kula kulmaya Saraakiil ka socota Itoobiya iyo Kenya

Madaxweynaha Jubbaland ayaa booqashadiisa sidoo kale ku saabsan sidii uu ugu raadin lahaa taageero dheeraad ah oo caalami ah.

  • Soomaliya

    18-05-2025

  • 12:27PM