Rooble oo amray in la baaro dhacdadii garoonka Aadan Cadde

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ka hadashay shaqaaqadii maanta ka dhacdey garoonka diyaaradaha Aadan Cadde taasoo u dhaxeysay ciidamo ka tirsan booliska iyo nabad-sugida.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa wuxuu sheegay in aan marnaba la aqbali karin dhacdadii foosha xumeyd ee ka dhacday garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.

Wasaaradda Amniga iyo Hay’adaha kale ee ay khuseyso ayuu faray in ay baaritaan deg deg ah ku sameeyaan falkaas si dhaqso ahna sharciga loo horkeeno cid kasta oo ku lug lahayd, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay xafiiskiisa.

Wasiirka amniga xukuumadda xil-gaarsiinta Xasan Xundubey iyo Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Mudane Duraan ayaa kormeeray garoonka saacado kadib shaqaaqadda waxaana ay qiimeeyeen khasaaraha dhacay.

"Inkasta oo wixii ka dhacay garoonka Aadan Cadde ay ahayd wax iska yar haddana waan ka raaligelinaynaa shacabka Soomaaliyeed," ayuu Xasan Xundubey ka sheegey shir jaraa'id oo uu ku qabtay gudaha madaarka.

Illo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa u sheegay Garowe Online in shaqaaqadan ay ka dhalatay markii saraakiisha booliska madaarka ay diideen in ay gudbaan baaris la'aan ajaaniib iyo Soomaali u socday hay'adda NISA.

Tan iyo markii taliska Farmaajo uu si sharci darro ah uu laba sano ugu darsaday, saraakiisha dharcadka ee NISA waxaa si weyn loogu daabulay madaarka Aadan Cadde halkaasoo ay "ku dhibaateeyaan shacabka rakaabka ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM