Rooble oo baaq kasoo saarey mar-xalada kala guurka
MUQDISHO, Soomaaliya – Ra'iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya ee muddo xileedkeeda uu dhamaadey Maxamed Xuseen Rooble ayaa Arbacada maanta ah wuxuu hortagay Golaha Shacabka baarlamaanka waqtigiisa dastuuriga ah uu idlaadey.
Rooble ayaa mudaneyaasha u jeediyey warbixin ku saabsan Wax-qabadka xukuumadiisa ee 100-kii maalmood ee lasoo dhaafay taas oo ku saabsan dhanka ammaanka, dhaqaalaha, horumarinta, iyo adeegyada kale ee muhiimka u ah shacabka Soomaaliyeed.
Kahor inta uusan goluhu soo gelin Rooble, afhayeenka Aqalka Hoose, Maxamed Mursal Cabdiraxmaan, ayaa shaaca ka dhigay in wasiirka koowaad ee xukuumadda aanu ka hadlin wax khuseeya doorashooyin qof iyo cod ah si lamid ah doorashooyin dadban.
Dhawaqa Mursal wuxuu kusoo hagaagay xilli saacadihii lasoo dhaafay ay jireen warar ku saabsan Rooble uu hadal-jeedintiisa kusoo qaadayo muddo kororsi loo sameeyo xukuumadda federaalka.
Isaga oo fulinaya soojeedintaas, Rooble wuxuu si toos ah uga fogaadey in uu is-dul-taago khilaafka ka jira doorashooyinka balse wuxuu si dadban u sheegay in dowladdu diyaar u tahay in ay gorgortan ka gasho is-faham-waaga ka jira qodobadda la isku hayo.
Mar-xaladda kala guurka ah ee waddanka uu haatan ku jiro ayuu soo jeediyey in si wadajir ah looga samatabixiyo qaranka iyadda oo kaalin ay qaadanayaan dhamaan saamileyda siyaasadda.
"Waxaa waajib naga saaran yahay hirgelinta doorasho hufan xalaal ah la isla wada-ogol-yahay. Waxaan hortiina Ummadda Soomaaliyeed uga caddeynayaa in aan u taaganahay hirgelinta doorashadda iyo in aan wixii caqabadaha ee na horyaala ka wareejino fududeyno awoodna siiyo guddiyadda," ayuu ku daray, isaga oo ku taliyey "midnimo".
Dhanka kale, Rooble oo u muuqday mid fariin u diraya Musharaxiinta iyo siyaasiyiinta ayaa ku nuux-nuux-saday in dowladiisa aysan aqbali doonin in khal-khal lagu sameeyo ammaanka dalka.
"Xil ayaa naga saaran ilaalinta ammaanka. Qofna lagama aqbalayo khalkhal gelinta amniga iyo deganaanshiyaha dalka," ayuu yiri. Wuxuu ku daray. "Nimaan kuu furi doonin, yuusan kuu rarin".
Soomaaliya ayaa haatan dhexda kaga jirta firaaq dastuuri ah ama awoodeed maadaama Farmaajo oo xilheyntiisa ay dhamaatay 8-da Febraayo uusan wali xilka si rasmi ah ugu wareejin afhayeenka Golaha Shacabka sidda uu xeerinayo dastuurka ku meelgaarka ah ee dalka.
GAROWE ONLINE