Rooble oo bilaabaya la kulanka musharaxiinta
MUQDISHO, Soomaaliya – Ra'iisul Wasaaraha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble, ayaa todobaadkan wuxuu bilaabayaa la kulanka xubnaha qaar ee Midowga Musharaxiinta madaxtinimada.
Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, hogaamiyaha xisbiga Wadajir kana mid ah musharaxiinta safka hore kaga jirta coddeynta loo balansan yahay, ayaa ku horenaya la kulanka Rooble kaasoo ay maanta wada qadeynayaan.
Wadahadaladda ayaa lagu waramay in diiradda lagu saarayo khilaafka doorashooyinka 2020-21 iyo xal u helida tabashooyinka ka taagan qeyb kamid ah heshiiskii September dhexmaray dowladda iyo maamuladda.
Sidoo kale, waxaa la sheegay in ay kawada hadli doonan qabanqaabada shir guud oo ay musharaxiinta kawada qeybgalaan, goorta iyo goobta uu ka qabsoomi doono.
Qodobada la isku hayo waxay kala yihiin; guddiyadda maamulaya coddeynta, oo xukuumadda ku dartay xubnaha aan dhexdhexaad ahayn, habraaca xulista wakiilada Somaliland, iyo ciidamadda dowladda geysay Gedo.
Rooble ayaa dhowr fagaare oo ay ugu dambeysay kulan uu Zoom-ka kula yeeshay ergayga Qaramada Midoobay, James Swan, wuxuu ka sheegay in uu diyaar u yahay in uu miiska wadaxaajood la fariisto mucaaradka.
Balse, hadal mooyee tan iyo xilligaas, ma qaadin wax talaabo ah.
Sidda ay wararku sheegayaan, sababta uu Rooble haatan u soo dedejiyey la kulanka musharaxiinta ayaa salka ku haysa markii ku xigeenkiisa Mahdi Maxamed Guuleed kaga wanaagsaney socdaaladii ay ku tageen Garowe.
Sidoo kale, madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye [Qoor-qoor] oo ku dhow madaxda dowladda federaalka, ayaa dhankiisa wuxuu labin kala soo laabtey shirarkii Garowe.
Xogaha ayaa intaas ku daraya in Rooble ay lataliyeyaashiisa ku booriyeen in uu sameeyo dhaqdhaqaaq siyaasadeed lana kulmo musharaxiinta madaxtinimadda. Tani waxay daaha ka rogeysaa in uu jiro loolan aan wali soo if-bixin oo labada xafiis ka dhex-bilowdey.
Talaabada uu qaadayo wasiirka koowaad ayaa sidoo kale kusoo hagaageysa kadib markii uu xoogeystay cadaadiska kaga imaanaya musharaxiinta oo ku aadan in uu ku milmay ololaha dib u doorashada Farmaajo.
Wadahadalada ayaa si lamid ah waxay imaanayaa iyadda oo caasimada Puntland ee Garowe ay isku arkeen xubnihii dowlada federaalka uga qeybgalay, musharaxiinta qaar iyo madaxda maamuladii halkaa kasoo muuqdey.
Warar lagu kalsoon yahay ayaa xaqiijinaya in dhinacyadda isaga soo dhowaadeen qodobada qaar. Warbixinada qaar waxay xusayaan in la qaban-qaabinayo wadaxaajoodyo kale oo lagu dhameystiri doono heshiis wada ogol ah.
Socdaalka uu Rooble ku maray maamulada si gaar ah Puntland ayaa kusoo dhamaadey natiijo la'aan markii uu shaqeyn waayey qorshihii uu la tegay oo ahaa in uu dalbadey xubnaha maamulka ku metalaya guddiga doorashooyinka.
GAROWE ONLINE