Rooble: Ciidan dhexdhexaad ayaa loo xilsaarayaa doorashada
MUQDISHO, Soomaaliya - Ra'iisul wasaaraha xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa bilaabay kulamo khuseeya mar-xalada kala guurka ee dalka ku jiro iyo sidii loo qaban lahaa doorasho la isla-ogol-yahay.
Rooble ayaa Arbacada maanta ah wuxuu Teendhada Afasiyooni ee ciidamadda cirka Soomaaliyeed kuna dhextaala xerada aadka loo ilaaliyo ee Xalane wuxuu kula kulmay wakiiladda Beesha Caalamka u fadhiya caasimada Muqdisho.
Sida laga soo xigtay qoraal kasoo baxay xafiiska wasiirka kowoaad ee Soomaaliya, wadahadaladda ayaa diiradda lagu saaray xaalada cakiran ee dalku ku jiro gaar ahaan geedi-socodka doorashooyinka iyo qabashada coddeynta.
"Waxaan maanta kulan muhiim la yeeshay saaxiibbada caalamiga ah ee Soomaaliya, kaas oo aan ku gorfeynay hannaanka doorashooyinka dalka, sida ay nooga go’atahay qabashada doorasho daahfuran iyo muhimmadda taageerada beesha caalamka ee geeddi socodka doorashooyinka dalka," ayuu Rooble ku qoray bartiisa Facebook.
Kulankaan ayaa ah kii ugu horeeyay oo Rooble uu la yeesho diblumaasiyiinta dalalka caalamka tan iyo markii todobaadkan uu si rasmi ah ula wareegay hogaaminta geedi-socodka doorashadda iyo ammaankeeda.
Rooble oo ka hadlay madasha ayaa hoosta ka xariiqay in xukuumadiisu diyaar u tahay qabashadda doorasho ku dhacda qaab nabad ah. Heshiiska 17-ka September ayuu xusay in uu xalka kaliya ayna tahay in doorasho lagu galo.
Sida ay wararku xusayaan, Rooble ayaa hadaljeedintiisa wuxuu ku sheegay in doorashadda loo xilsaari doono ciidamo dhexdhexaad ah. Askarta waa mid kamid ah caqabadaha hortaagan doorashooyinka.
"Waxaan jeclaan lahaa inaan ugu baaqo UN-ka iyo saaxiibadeena Caalamiga ah inay bilaabaan doodaha ku saabsan taageerida hirgelinta geeddi-socodka doorashooyinka ee xagga saadka, taageerada farsamada iyo dhaqaalaha," ayuu yiri.
Inta badan dhaqaalaha ku baxa doorashooyinka Soomaaliya waxay ka timaadaa deeq-bixiyeyaasha caalamiga ah, waana mid kamid ah sababaha ay u yihiin mid kamid ah daneeyeyaasha ugu muhiimsan ee qabsooida coddeynta.
GAROWE ONLINE