Rooble oo Doha kula kulmay dhigiisa Qadar [SAWIRRO]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

DOHA - Ra'iisul Wasaare Rooble ayaa saacadihii hore ee Maanta kulan kula qaatey magaaladda Doha dhigiisa dalka Qadar Sheekh Khalid Bin Khalifa Al-Thani.

Waxay kawada hadleen arrimo dhowr ah, oo ay ugu horeeyaan xoojinta xiriirka labada dal iyo kordhinta mashaariicda horumarineed ee Dowladda Qadar ay ka fuliso Soomaaliya.

Rooble oo booqasho rasmi ah ku jooga Qadar, ayaa la filayaa inuu la kulmo Amiirka dalkaas Sheekh Tamiim Bin Hamad Al-Thani oo usoo diray casumaadda.

Qadar ayaa la rumrysan yahay inay ujeedooyin qarsoon ka leedahay casuumaada Rooble, maadaama ay xiriir la leedahay Farmaajo oo khilaaf kala dhaxeeya Ra'iisul Wasaaraha.

Doha waxay mudo afar sano ah taageersanayd Farmaajo, iyadoo sidoo kale dhaqaale badan ku bixisay sidii dalka looga eryi lahaa Imaaraadka markii ay billaabatay xiisaddii Khaliijka 2017.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar oo Bilawday Qorshe Ay Cadaadis Milatari Ku Saarayso Itoobiya

Ka dib markii uu dhacay khilaafkii u dhexeeyay Soomaaliya iyo Itoobiya ee la xiriiray heshiiskii Itoobiya la gashay Somaliland.

  • Soomaliya

    26-08-2025

  • 11:58AM

Villa Somalia oo Heshiis la gashay xubno kasoo goostay Madashii Saamatabixinta

Si kastaba, heshiiskan ayaa horseeday kala qaybsanaan muuqata oo ka dhex dhacday Madasha Samatabixinta.

  • Soomaliya

    25-08-2025

  • 12:55PM