Rooble oo gaarey caasimada maamulka Galmudug

Image
Image

DHUUSAMAREEB, Galmudug - Ra'iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa galabta gaaray magaalada Dhuusamareeb, halkaasoo uu ku soo dhoweeyay Madaxweynaha Galmudug iyo Mas'uuliyiin ka tirsan Maamulka Galmudug.

Ra'iisul Wasaare Rooble ayaa ka filayaa inuu safar dhinaca dhulka ah ku tago Gaalkacyo, waxaana ka hor inta aanu aadin Gaalkacyo uu xarigga ka jari doonaa Xarunta cusub ee Madaxtooyada Galmudug ee Dhuusamareeb iyo dhismayaasha Xarumaha Wasaaraddaha.

Rooble ayaa booqashadii uu ku tagey Puntland waxay ku soo dhamaatey is afagaran waa la xiriira doorashada Soomaaliya.

Maamulka Puntland iyo Xafiiska Ra'isal wasaaraha ayaan ka hadlin natiijadii ka soo baxdey wadahadalkaan.

Madaxweyne Dani aya Rooble ku sii sagootiyey garoonka diyaardaha Garowe.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Bandow Lagu Soo Rogay Baydhabo Xilli Amnigu Sii Xumaanayo

Colaadda ayaa saameyn ku yeelatay shacabka, iyadoo sidoo kale ay hakad ku yimaadeen dhaqdhaqaaqyadii ganacsi iyo nololeed ee magaalada.

  • Soomaliya

    01-10-2026

  • 08:21AM

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM