Rooble oo guddoomay casuumaad uu ka helay Kenyatta

Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra’iisul Wasaaraha xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa Axada maanta ah wuxuu xafiiskiisa ku qaabilay Wasiirka Arimaha Dibadda ee dalka Kenya Raychelle Omamo.

Qoraal kasoo baxay xafiiskiisa ayaa lagu xaqiijiyey in ay "ka wada hadleen sare u qaadidda iyo xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed ee u dhaxeeya labada dal ee dariska ah ee Soomaaliya iyo Kenya".

"Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa Wasiirka Arrimaha Dibadda Kenya ka guddoomay casuumad rasmi ah oo uu ka helay madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyata," ayaa la raaciyey bayaanka.

Sidda laga soo xigtay war-saxaafadeedka, "Labada Dal ee Kenya iyo Soomaaliya waa laba dal oo deris oo ay ka dhexeeyaan dano badan sida diblomaasiyadda,amniga iyo arrimaha dhaqaalaha".

"Xukuumadda Soomaaliya waxa ay adkeyneysaa in dacwada muranka badda ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya go’aankeeda laga sugayo Maxkamadda Caalamiga ee Caddaalada," ayaa lagu soo xiray.

Garowe Online ayaa fahansan in Rooble uu Nairobi u socdaali doono Talaadada todobaadkan isla markaana uu halkaas wadahadalo kula yeelan doono Kenyatta iyo madx kale oo waddankaas ka tirsan.

Martiqaadkan ayaa kusoo aadaya xilli madaxweynaha waqtiga ka dhacay Maxamed Farmaajo uu xalay soo saarey wareegto uu xukuumadda uga mamnuucayo in ay gasho heshiisyo ama is-afgaradyo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Wajahaya Go’doon Siyaasadeed iyo Isbahaysigiisii oo Burburaya  

Kala daadashadan waxay kusoo beegmaysaa xilli dalku wajahayo loolan adag oo la xiriira wax ka beddelka dastuurka.

  • Soomaliya

    29-04-2026

  • 01:20PM

Qarax ka dhacay Buuraleyda Calmiskaad oo lagu dilay afar qof

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa hore u ballan qaaday in la xoojin doono howlgalada militari.

  • Soomaliya

    29-04-2026

  • 12:45PM