Rooble oo la sheegay in uu kusii jeedo Sacuudi Carabiya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Ra'iisul Wasaaraha xukuumadda xilgaarsiinta, Maxamed Xuseen Rooble, ayaa kusii jeeda boqortooyadda Sacuudi Carabiya, sida ay bogga Garowe Online u sheegeen illo loo qaateen ah.

Socdaalka wasiirka koowaad ee Soomaaliya ayaa, sida ay macluumaadyaddu muujinayaan, wuxuu la xiriiraa gudashada Cumradda.

Haddii uu hirgalo safarka Rooble, wuxuu kusoo aadayaa xilli waddanka uu wajahayo qalalaase doorasho isla markaana xukuumadiisa ay si buuxda ula wareegtay hogaaminta iyo diyaarinta doorashooyinka.

Xukuumadda Riyadh oo dib-u-bilowday duulimaadyada caalami ah kuwaasoo horey loo hakiyey sababo la xiriira soo rogaal celinta safmareenka halista ah ee Coronavirus ayaa soo rogtay shuruudo ay kamid tahay karantiil, qaadashada talaalka fayruska, iyo in aan la booqan karin Masjid al-Haram ama Masjid an-Nabawi iyaddoo aan lasoo codsan kahor booqashadda.

Isaga oo ka hadlayey Golaha Shacabka, madaxweynaha muddo xileedkiisa dastuuriga ah uu dhamaadey Farmaajo ayaa iclaamiyey in uu Rooble ku wareejiyey hogaaminta geedi-socodka doorashada iyo sugida amniga oo ra'iisul wasaaruhu ku sifeeyay "qorshaha amniga Qaranka".

Sacuudiga ayaa kamid ah wadamadda aadka u daneeya arrimaha Soomaaliya, balse cilaaqaadka kala dhaxeeyay taliska waqtiga ka dhacay Farmaajo wuxuu gaarey heer hooseeya afartii sano ee lasoo dhaafay.

Sida ay sheegayaan falanqeeyeyaal, gacansaarka dhow ee Qadar, waa mid kamid ah sababaha keenay in maamulka Farmaajo xiriirka u dabciyo wadamada Sacuudiga kamid tahay "taasoo ahayd gaf diblumaasiyadeed".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM