Rooble oo loo tilmaamay "fursad uu taariikh ku sameyn karo"

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Dowladaha Puntland iyo Jubaland ayaa looga mahadnaqay mowqifka ay ka qaateen heshiiskii magaalada Muqdisho ku dhexmaray Ra'iisul Wasaare Rooble iyo Golaha Midowga Musharaxiinta madaxtinimada.

Labadan maamul ee udub-u-dhaxaadka u ah nidaamka federaalka Soomaaliya ayaa soo dhaweeyay is-afgaradkaas waxaana ay ku baaqeen in dowladda federaalka ka shaqeyso xalinta qodobada kale ee khilaafka ka jiro.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, oo ah musharax madaxwayne, ayaa sheegay in Rooble uu haysto "fursad hoggaamin oo taariikhi ah".

"Waxaan u mahadcelinayaa Dawlad Goboleedyada Puntland iyo Jubbaland oo soo dhoweeyey heshiiska dhexmaray Midowga Murashaxiinta iyo xukuumada, iyo sidoo kale Beesha Caalamka," ayuu kusoo qoray Facebook-giisa.

Wuxuu ku dara: "Dhamaantood waxay ku baaqeen in qoddobada dhiman la dhamaystiro. Raysalwasaare Rooble fursad hoggaamin oo taariikhi ah ayaa halkan uga furan, waxayna ku xiran tahay dhamaystirka hawsha uu shalay bilaabay".

Xildhibaan Mahad Salaad, oo ka tirsan Golaha Shacabka baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya ee waqtiga ka dhamaadey, ayaa wuxuu qiray in Puntland iyo Jubaland " ay door weyn ayay ku leeyihiin dowlad dhisida Soomaaliya.

"Waan uga mahadcelinaynaa dowladaha Puntland iyo Jubaland soo dhaweynta heshiiskii xalay ay wada gaareen Midowga Musharaxiinta iyo Xukuumada Ra’iisul Wasaare Rooble," ayuu ku daabacay boggiisa Facebook.

Mudanaha ayaa raaciyey: Madaxweyne Saciid iyo Axmed door weyn ayay ku leeyihiin dowlad dhisida Soomaaliya, qodobada qabyada ahna si wadajir ah ayaan uga wada shaqayn doonaa dhamaystirkooda inshaa’allah".

Heshiiska dowladda iyo musharaxiinta oo ka koobnaa lix qodoba ayaa xeerinayey in xukuumadda raaligelin ka bixisay dhacdooyinkii 19-kii Febraayo, guddi baaris oo loo saarey, iyo in labada dhinac kawada shaqeeyaan banaanbax nabadeed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Xasan Sheekh oo cadaadis ku haya shakhsiyaad uu soo dirsaday si ay colaad uga huriyaan Puntland

Dukumiintiyada sirta ah ee la helay ayaa muujinaya in kooxaha qorshahan loo xilsaaray loo qaybiyay afar qaybood.

  • Soomaliya

    24-06-2026

  • 08:15PM

Puntland oo Ka Digtay Hub ay Dowladda Federaalku Geysay Deegaankeeda

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sannadkii hore ee 2025-ka ku faanay in maleeshiyaad ka dhex qortay gudaha Puntland.

  • Soomaliya

    24-06-2026

  • 11:55AM