Guddi loo saarey shirka lagu xalinayo khilaafka doorashada
MUQDISHO, Soomaaliya - Sii-haayaha Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble, ayaa wuxuu magacaabay guddi farsamo oo ka shaqeeya qabanqaabada Shirka golaha wadatashiga qaranka.
Shirkaas oo xukuumadda federaalka ee muddo xileedkeeda dastuuriga ah uu dhamaadey ay fududeyneyso wuxuu dhexmarayaa hogaamiyeyaasha dowladda dhexe iyo maamuladda kale ee dalka.
Sidda ku xusan qoraal Axada maanta ah kasoo baxay xafiiska wasiirka koowaad Mr Rooble, dowladda federaalka, maamuladda iyo gobolka Banaadir waxay ku leeyihiin guddigan mid laba xubnood.
Qoraalka ayaa muujinaya in laba haween oo kaliya ay ku jiraan guddiyadan waxaana labadaas dumar ay kala metelayaan maamulka gobolka Banaadir iyo dowlad goboleedka HirShabelle.
Magacyadda guddiga ayaa kala ah
- Xildhibaan Saalax Axmed Jaamac, sii-haayaha wasiirka dastuurka federaalka
- Xildhibaan Cabdullaahi Abuukar Xaaji, sii-haayaha wasiirka tacliinta federaalka
- Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad, wasiirka arrimaha gudaha Puntland
- Cabdullaahi Cali Xersi [Timacadde], wasiirka warfaafinta Puntland
- Xersi Jaamac Gaandi, wasiiru dowlaha Madaxtooyadda Jubaland
- Mursal Maxamed Khaliif, wasiirka caafimaadka dowladda Jubaland
- Cabdi Maxamed Jaamac, wasiirka arrimaha gudaha Galmudug
- Aadan Cismaan Xuseen, wasiirka isgaarsiinta Galmudug
- Axmed Madoobe Nuunow, wasiirka qorsheynta Koonfur Galbeed
- Maxamed Abuukar Cabdi, wasiirka arrimaha gudaha Koonfur Galbeed Soomaaliya
- Maxamed Cali Caadle, wasiirka arrimaha gudaha HirShabelle
- Caasha Khaliif Maxamed, wasiirka haweenka HirShabelle
- Basma Caamir Maxamed, guddoomiye ku xigeenka arrimaha bulshada gobolka Banaadir
- Xiirey Axmed Rooble, xoghayaha gobolka Banaadir
War-saxaafadeedka xafiiska sii-haayaha Ra'iisul Wasaaraha ayaan lagu caddeyn goobta iyo goorta uu ku qabsoomayo shirkaas oo imaanaya xilli Villa Soomaaliya horey kulan u muddeysay 15-ka bishan Febraayo.
Shirkaas uu iclaamiyey madaxweynaha muddo xileedkiisa dastuuriga ah uu dhamaadey Farmaajo ayaa la isku qabtay goobta uu ka dhacayo markii Puntland xustey in aan lagala tashan in uu ku qabsoomo Garowe.
Beesha Caalamka oo ku tartarsiisay madaxda Soomaalida in ay shir deg-deg ah isugu yimaadaan si loo dhameeyo is-faham-waaga coddeynta ayaa cod dheer kaga digtay in shirka 15-ka Febraayo uu dib-u-dhac ku yimaaddo.
GAROWE ONLINE