Rooble oo muddeeyay shir looga arrinsanayo doorashooyinka

Image

MUQDISHO, Soomaaliya = Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa Madaxda Dowlad-goboleedyada iyo Gobolka Banaadir ku casuumay Shir madaxeedka Golaha Wadatashiga Qaran.

Sida ku xusan war qoraal ah oo kasoo baxay xafiiska Rooble, kulanka oo bilaabanaya 20-ka bishaan May sanadka 2021-ka ayaa loona arrin-sanayaa dhammeystirka Arrimaha doorashooyinka.

"Ra'iisul wasaaruhu wuxuu rajeynayaa in madaxda ay shirkaas ajiibi doonan madaxda isla markaana shirkaas laga soo wada qeybgeli doono," ayuu Maxamed Ibraahim Macamiluu, afhayeenka Rooble.

Macalimuu ayaa intaas ku daray in uu ka codsanayo madaxwayneyaasha maamuladda in ay soo gaaraan magaalada caasimada ah ee Muqdisho kahor maalinta Arbacadda ah si shirka u bilowdo waqtigii loo qorsheeyay.

"Dad badan ayaa laga yaabaa in ay is-yiraahdaa maxaa shirka si dhaqsiyaha ah loogu baaqi waayey. Waxaad ogtihiin in hadda aan ku jirno tobbankii u dambeysay ee bisha Ramadaan oo ah runtii mid aad muhiim ugu ah dadka Islaamka ah. Sidoo kale, ciddii ayaa imaaneysa iyo wadacii," ayuu ku daray Macalimuu oo kasoo muuqdey muuqaal xafiiska Rooble baahiyey.

Sida laga soo xigtay Macalimuu, wasiirka koowaad ee dalka ayaa shirkan wuxuu iclaamiyey ka gedaal markii uu latashiyo kala duwan la sameeyay qeybaha ka qeybgaleyaasha oo ah hogaamiyeyaasha maamuladda waddanka.

Dhanka kale, madaxda maamuladda waddanka ayaan wali ka jawaabin dhawaqa kasoo yeeray xafiiska Rooble. Balse, Puntland iyo Jubaland waxay horey u xuseen in ay kaliya shirka tegayaan marka Rooble la wareego amniga dalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM