Rooble oo Muqdisho kula shiray wakiilada Beesha Caalamka

Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda xilgaarsiinta Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble, ayaa Isniinta maanta ah wuxuu Muqdisho kula shiray Wakiillada dalalka Beesha Caalamka.

Shirkan ayaa looga hadlay "horumarrada laga sameeyay Arrimaha doorashooyinka dalka, amniga doorashooyinka iyo  teegeerada beesha caalamka ee dhaqaale iyo farsamo ee doorashooyinka".

Maxamed Ibraahim Macalimuu, oo ah afhayeenka Rooble, ayaa fahfaahin uu shirka kasoo saarey wuxuuna tibaaxay in sidoo kale ay madaxda isla soo qaadeen ammaanka coddeynta loo balansan yahay.

"Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane @MohamedHRoble ayaa Wakiillada Beesha Caalamka la yeeshay kulan looga hadlay horumarrada laga sameeyay arrimaha doorashooyinka dalka, amniga doorashooyinka iyo teegeerada beesha caalamka ee dhaqaale iyo farsamo ee hirgelinta doorashooyinka," ayuu ku qoray bartiisa gaarka ah ee Facebook.

Taageerada Beesha Caalamka ayaa muhiim u ah geedi-socodka coddeynta Soomaaliya maadaama ay yihiin kuwa bixinaya deeqda lagu maalgelinayo doorashadda taasoo fududeynaysa shaqadda taala.

Diblumaasiyiinta fadhigoodu yahay ayaa horey waxay u soo dhaweeyeen jadwalka cusub ee doorashooyinka Soomaaliya kaas oo xeerinaya in madaxweynaha xiga ee waddanka la doorto 10-ka October.

Jadwalkaas helay taageerada gudaha iyo dibadda ayaa kasoo baxay wadahadalo ay todobaadyo badan magaala madaxda Muqdisho ku yeesheen hogaamiyeyaasha Soomaalida iyo daneeyeyaasha kale ee dalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya oo Cambaareysay Weerarrada Iran kusii wado Dalal Khaliijka Carabta

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay taageersan tahay dhammaan dadaallada nabadeed ee lagu xallinayo khilaafaadka gobolka.

  • Soomaliya

    05-03-2026

  • 08:15PM

Laba Wasiir oo ka tirsan Dowladda Federaalka oo is casilay kadib ansixinta dastuurka cusub

“Shacabka Puntland ayaa kursigan ii igmaday,” ayuu yiri. “Ma ka mid noqon karo waxyeello gaarsiinaya iyaga iyo dowladdooda.”

  • Soomaliya

    05-03-2026

  • 05:33AM