Rooble oo raaligelin u diray wakiiladda Beesha Caalamka

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Dalab Ra'iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble hordhigay Beesha Caalamka oo ahaa in uu la kulmi doono madaxda maamuladda si uu ugala heshiiyo ajandaha shirka soo aadan ayaa la baajiyey daqiiqqdihii ugu dambeeyay, sidda Garowe Online ogaadey.

Wasiirka koowaad ee xukuumadda xilgaarsiinta ayaa uga cudaartay diblumaasiyiinta in uu ka qeybgalo shirka, isaga oo soo jeediyey in kalka hore ay soo heshiiyaan madaxda maamuladda kadib isaga dib ugu soo diraan si uu ugu sameeyo dib-u-eegis.

Kadib talaabadda Ra'iisul Wasaaraha, maamuladda Puntland iyo Jubaland ayaa ku qasbanaadey in ay dadweynaha u caddeeyaan meesha ay wax marayaan iyo mowqifkooda.

Qoraal wadajir ah oo ay soo saareen ayay ku tibaaxeen in madaxweynaha waqtiga ka dhamaadey Farmaajo "xagal-daacinayo" kulamadda, waxaana ay ka digeen "in waqtiga kulamada oo sii dheeraada ay masiirka Ummadda Soomaaliyees gelineyso god mugdi ah".

Sidda ku cad bayaanka, shirarkii Muqdisho ku dhexmaray maamuladda ayaan wali lagu gaarin is-faham buuxa oo looga gudbo xaaladda cakiran. Balse, Beesha Caalamka waxay haatan ku howlan tahay shir ay isugu yimaadan dhinacyadoo idil.

Rooble ayaa horey ugu fashilmay dedaalo uu rabay in uu ugu kala dabqaado dhinacyadda isku haya siyaasadda Soomaqliya, isagoo la saftay maamulkiisa.

Illo wareedyo loo qaateen ah kuna dhow xafiisyadda ugu sareeya dalka ayaa dhowr jeer waxay siyaabo isku mid ah ay ugu sheegeen Garowe Online in Rooble uusan qaaadan karin go'aano ku saabsan qalalaasaha doorasho ee waqti xaadirkan uu waddanka wajahayo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Xasan Sheekh oo cadaadis ku haya shakhsiyaad uu soo dirsaday si ay colaad uga huriyaan Puntland

Dukumiintiyada sirta ah ee la helay ayaa muujinaya in kooxaha qorshahan loo xilsaaray loo qaybiyay afar qaybood.

  • Soomaliya

    24-06-2026

  • 08:15PM

Puntland oo Ka Digtay Hub ay Dowladda Federaalku Geysay Deegaankeeda

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sannadkii hore ee 2025-ka ku faanay in maleeshiyaad ka dhex qortay gudaha Puntland.

  • Soomaliya

    24-06-2026

  • 11:55AM