Rooble oo safar aysan Jubaland ogoleyn ku tagaya Garbahaarey

Image

KISMAAYO, Jubaland – Ra'iisul wasaaraha xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa socdaal aysan raali ka ahayn Jubaland wuxuu Sabtida, 10-ka July, 2021 uu ku tagayaa magaalada Garbahaarey ee gobolka Gedo, sida uu fahansan yahay warsidaha Garowe Online.

Rooble oo labadii maalmood ee lasoo dhaafay ku sugnaa xarunta ku meelgaarka Jubaland ee Kismaayo ayaa ka biyo-diidey soojeedino kaga yimid hogaanka ismaamulka oo ahaa in uu ka baaqsado socdaalkaas.

Sida ay warsidaha GO u caddeeyeen illo wareedyo xog ogaal ah, wadahadaladii madaxda Jubaland ay Rooble kala yeesheen ka baaqsashada socdaalkan oo qabsoomay ugu yaraan laba jeer ayaa kusoo dhamaadey natiijo la’aan.

"Wasiirka koowaad wuxuu ku adkeystay in uu doonayo in uu tago meel walba," ayuu yiri mid kamid ah xubnaha goobjooga ka ahaa shirkan kaasoo codsadey in aan la adeegsan magaciisa  sababo ku aadan xogta oo xasaasiya.

Wuxuu ku daray: "Arrinta safarka waxaa lagu soo hadal-qaadey shirkii golaha wasiirada Khamiista (waa lagu heshiin waayey); Rooble iyo Axmed Madoobe ayaa kulan kale ka yeeshay way isku fahmi waayeen. Mar kale caawa ayay isku afgaran waayeen".

Maamulkan uu hogaamiyo Axmed Maxamed Islaam ayaan wali si rasmi ah uga hadlin socdaalka Rooble kaasoo dharbaaxo ku noqonaya qaabka hogaamiyeyaasha Soomaalida uga heshiiyeen in loo wajahayo qadiyadda gobolka Gedo.

Madaxda Soomaalida ayaa horey isugu afgartey in guddi heer wasiiro dowlad goboleed ay ay dib-u-heshiisiin ka sameeyaan Garbahaarey isla markaana dadka degaanka soo xushaan cidda noqoneysa guddoomiyaha degmadda.

Sikastaba ha ahaatee, jihada cusub ee uu qaadayo Rooble ayaa la rumeysan yahay in ay dib-u-dhac horleh ku keeneyso doorashooyinka la filayey in ay wadanka ka qabsoomaan dhowaan, waxaana ay soo kordhineysaa hubantii la’aantii ka taagneyd in coddeyn nabadeed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Wajahaya Go’doon Siyaasadeed iyo Isbahaysigiisii oo Burburaya  

Kala daadashadan waxay kusoo beegmaysaa xilli dalku wajahayo loolan adag oo la xiriira wax ka beddelka dastuurka.

  • Soomaliya

    29-04-2026

  • 01:20PM

Qarax ka dhacay Buuraleyda Calmiskaad oo lagu dilay afar qof

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa hore u ballan qaaday in la xoojin doono howlgalada militari.

  • Soomaliya

    29-04-2026

  • 12:45PM