Rooble oo shaaciyey "in lagu wareejiyay" amniga Qaranka
MUQDISHO, Soomaaliya - Ra'iisul Wasaaraha xukuumada xilgaarsiinta Rooble ayaa wuxuu aqbalay la wareegida amniga doorashooyinka iyo kan guud ee dalka iyo hogaaminta qabsoomida doorashooyinka "sida ugu dhaqsiyaha badan".
"Waxaan uga mahadcelinayaa madaxweynaha Jamhuuriyadda in uu aniga iyo xukuumaddeyda nagu soo wareejiyay hoggaaminta howlaha doorashooyinka, amniga doorashooyinka iyo fulinta qorshaha amniga guud ee Qaranka, anigoo rajeynaya in aan ku guuleysanno howshaas iyo mas’uuliyaddaas muhiimka u ah masiirka dalka una maareyno sida ugu wanaagsan," ayuu yiri.
Wuxuu ku daray: "Sidoo kale Waxaan uga mahadcelinayaa Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya sida mas’uuliyaddu ku dheehan tahay oo ay u aqbaleen codsigii madaxweynaha ee ahaa in dib loogu noqdo heshiiskii 17-kii September ee hagayay hannaanka doorashooyinka dalka, iyagoo tixgeliyay sidii looga gudbi lahaa duruufaha adag ee dalku marayo".
Guddi ka shaqeeya xal u helida kala qeybsanaanta ciidanka ayuu xusay in uu magacaabayo. Shirka dowladda iyo maamulada ayuu tibaaxay in uu dhowaan muddeyn doono.
Rooble oo kasoo muuqday muuqaal uu baahiyey xafiiskiisa ayaa faray ciidamadda in ay dib ugu laabtaan xeryahooda isla markaana ay ilaaliyaan xasiloonida iyo kala dambeynta.
Siyaasiyiinta mucaaradka oo ay kamid yihiin musharaxiin madaxwayne oo horey dalka uga soo qabtey xilal kala duwan ayuu cod dheer kaga dalbadey in ay ka fogaadaan "hadaladda xanafta leh".
Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad oo bartiisa shaqsiga ah ee Facebook kaga falceliyey hadaljeedinta Rooble ayaa ku sifeeyay "mid aysan ka muuqan madax-banaani guud ahaan".
"Khudbada Rooble waxaan ka fahmay in uusan ahayn qof madaxbanaan lkn wali laga hagayo maskaxda Farmaajo. Abtiyow wali fursad ayaad heysataa ee dib isugu laabo!," ayuu sharci-dejiyuhu ku yiri qoraalkiisa aadka looga falceliyey.
Dhanka kale, sharci-dejiye Cabdiraxmaan Odowaa oo kamid ah mucaaradka ayaa soo dhaweeyay dhawaqa Rooble, waxaana uu rajeeyay in uu ku guuleysto waajibaadka culus ee loo idmaday.
"Waxaan soo dhaweynayaa qorshaha RW Rooble uu ku sheegay in uu ku fulinayo amniga guud ee qaranka Amniga doorashada iyo kan qaranka laba makala noqon karaan waana ku mahadsanay yahay RW Rooble in uu sidaa u faah faahiyo , si kalsoonida usoo noqoto doorasho cabsi ciidan iyo qalqal aminba ka madaxbanaan dalka uga qabsoonto Ra’iisulwasaare qorshaha aad soo badhigi doonto haka muuqato isbadal la taaban karo," ayuu ku daabacay bartiisa Facebook.
Dhawaqan ayaa u muuqda mid jawaab u ah siyaasiyiinta mucaaradka oo su'aal geliyey shaacintii Farmaajo ee ahayd in uu iska dhiibay mas'uuliyada doorashada iyo ammaankeeda kuna wareejiyey xukuumadda xilgaarsiinta federaalka.
GAROWE ONLINE