Rooble oo shaaciyey in uusan ahayn musharax madaxwayne

Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra'iisul wasaaraha xukuumada xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa Jimcada maanta ah wuxuu shaaca ka dhigay in sanadkan uusan damac uga jirin xilka ugu sareeya waddanka.

Rooble oo ka hadlay xaflad soo dhaweyn ah oo loogu sameeyay degmada Dayniile ee Muqdisho ayaa ka dhawaajiyey in ay u wada siman yihiin musharaxiinta xagaagan u tartameysa Villa Soomaaliya.

Munaasabadda oo ammaankeeda si weyn loo adkeeyay waxaa sidoo kale kasoo muuqdey wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan goleyaasha kala duwan ee dowladda federaalka ah.

"Saaxiibkey xilka igaaga horeeyay ra'iisul wasaare Xasan Cali Khayre iyo madaxwayne Farmaajo haddii ay tarmayaan waa ii sinaanayaan," ayuu ka sheegay munaasabadda wasiirka koowaad ee dalka.

Wuxuu ku daray: "Dan gaar ah oo aan ka leeyahay doorashadan ma jirto cid gaar ah oo aan leeyahay adigaan kuu xalinayaan ma jirto waa ii sinaanayaan dhamaan musharaxiinta waliba si cadaalad ah".

Musharaxiinta goobeysa madaxtinimada ayuu cod dheer ku waydiistay in ay siiyaan kalsooni buuxda. "Aniga ayaa idin joogo. Dambiisha aan kuwada ridno wixii xumaan ah," ayuu hadalkiisa raaciyey Rooble.

Xukuumadda Rooble ayaa hadda daadhineysa geedi-socodka nidaamka doorashooyinka dalka iyaddoo kala wareegtay maamulka waqtiga ka dhacay ee Farmaajo kaasoo ku fashilmay in uu qabto doorasho hufan.

Inta badan musharaxiinta sanadkan u taagan jagada ugu sareysa Soomaaliya ayaa ku heeb ah Rooble kaasoo hadda ku guda jira sidii uu u fulin lahaa heshiiska ay 27-dii Muqdisho ku saxiixeen madaxda Soomaalida.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay colaadda ka taagan Aricadeeye, baaqna u dirtay dhinacyada

Wasaaraddu waxay ku baaqaysaa in si degdeg ah oo shuruud la’aan ah loo joojiyo khilaafaadka iyo dhammaan falalka hurin kara colaadda.

  • Soomaliya

    23-06-2026

  • 12:36PM

Soomaaliya oo soo dhaweysay heshiiska Mareykanka iyo Iiraan

Soomaaliya waxay sidoo kale bogaadisay kaalinta ay qaateen Pakistan, Qatar, Masar, Sacuudi Carabiya iyo Turkiga.

  • Soomaliya

    23-06-2026

  • 09:22AM