Roobow oo ka hor-yimid go'aankii DF xili uu sii wato Ololohiisa

Image
Image
Image

BAYDHABO, Soomaaliya - Mukhtaar Roobow ayaa ka jawaabey go'aankii shalay kasoo baxay dowladda Soomaaliya ee uga joojisay inuu u tartamo xilka Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed, oo doorashadiisu la filayo inay dhacdo bisha soo socota.

Xaflad lagu soo dhaweynaayay Musharaxnimadiisa oo maanta ka dhacday magaalada Baydhabo ayuu kaga dhawaaqay Roobow in uusan u hoggaansameyn hadalkii kasoo baxay Wasaaradda Amniga Soomaaliya.

Roobow ayaa sheegay in talaabadda xukuumada Muqdisho ay qayb ka tahay dhibaatooyin uu sheegay inay haatan ka jiraan siyaasadda dalka, isagoo tusaale usoo qaatay khilaafka ka taagan madaxda maamulada iyo kuwa dowladda dhexe.

Wasaarada Amniga Gudaha ee xukuumada Soomaaliya oo qoraal kasoo saartey murashaxnimadda Roobow ayaa sababta ay ugu diiday waxay ku fasirtay inaanu wali soo buuxin shuruudihii looga qaadi lahaa xayiraado caalami ah oo saaran Wadaadka. 

Is-marin-waaga siyaasadeed ee dalka oo gaarey heerkii ugu hooseeyay ayaa sababay in kadib shir ay bishii hore ku yeesheen Kismaayo Gollaha Iskaashiga maamuladda ay ku dhawaaqaan inay hakiyeen wadashaqayntii Villa Soomaaliya.

"Dowladda marka hore waa inay wax ka qabataa dharka ciidanka ee shacabka lagu dhacayo, kadibna ay usoo jeysato arrimaha kale. Aniga Shacabka Koonfur Galbeed ayaa iga codsadey inaan isa soo sharaxo waana u tartamayaa xilka," ayaa yiri Roobow.

Warar lagu kalsoon yahay ayaa GO u sheegey in Mukhtar Robow markii hore tageero ka haystey balse go’aankaan ku noqdey mid u qaadan waayey.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa la kulmay Robow inta uusan ku dhawaaqin Musharaxnimadiisa.

Robow, oo dowladda isku soo dhiibay August 2017 kadib markii uu kasoo baxay Al-Shabaab, ayaa markii hore wadahadal kula jiray Villa Somalia, iyadoo wararku ay sheegayaan in ololohii doorashada ay gadaal ka riixaan xubno katirsan dowladda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Villa Somalia oo Heshiis la gashay xubno kasoo goostay Madashii Saamatabixinta

Si kastaba, heshiiskan ayaa horseeday kala qaybsanaan muuqata oo ka dhex dhacday Madasha Samatabixinta.

  • Soomaliya

    25-08-2025

  • 12:55PM

Bangiga Maalgashiga Yurub oo tixgelinaya inuu amaah siiyo Soomaaliya xilli xiisado jiraan

Go’aankan ayaa soo baxay wax ka yar laba sano kadib markii Soomaaliya laga cafiyay…

  • Soomaliya

    24-08-2025

  • 09:54PM