Roobow oo noqday musharixii ugu horeeyay oo la diiwaan-geliyo

Image
Image
Image
Image
Image

BAYDHABO, Soomaaliya - Guddiga doorashooyinka ee maamul goboleedka Koonfur Galbeed ayaa Mukhtaar Roobow Cali [Abuu Mansuur] wuxuu udiiwaan-geliyay murashaxnimada dowlad goboleedkaan oo qabsoomeysa 17-ka bishaan November.

Roobow ayaa la gudoonsiiyay kadib diiwaan-gelintiisa Shahaado muujineysa inuu murashax yahay, isaga oo bixiyey lacag dhan 20-kun oo Dollar-ka Mareykanka ah, taasi oo tartame kasta laga doonayo, sida ku cad shuruudaha.

Gudoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Koonfur Galbeed iyo xubnaa Guddiga ayaa si wadajir ah ugudoonsiiyay shahaada isaga oo hadalo kooban ka jeediyay goobta lagu siinayey Aqoonsiga murasharaxnimo.

Roobow ayaa carabka ku dhuftay muhiimada ay leedahay in Xilldhibaanada Koonfur Galbeed ay doortaan hogaamiye maamulkaan ka saari kara dhibaatooyin uu daboolka ka qaaday inay haatan ka jiraan.

Waa murashaxii ugu horeeyay ee is-diiwaan-geliya doorashada Koonfur Galbeed, taasi oo ay ku hareeraysan yihiin siyaasado kala duwan oo iska soo horjeeda isuguna jira mucaarad iyo waliba muxaafad.

Mukhtaar Cali Roobow [Abuu Mansuur] oo kamid ahaa aas-aasayaasha kooxda Al-Shabaab ayaa haatan isku rogay siyaasi, inkasta oo xukuumada Muqdisho ay isku dayday inay ka hor-istaago murashaxnimada, laakiin uu ka biyo diiday.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hoobiyeyaal lagu garaacay garoonka Baydhabo xilli uu ka degay Xasan Sheekh

Amniga madaxtooyada Koonfur Galbeed, ayaa la sheegay in ay qeyb ka yihiin ciidamo ka socda dalka Ethiopia.

  • Soomaliya

    03-04-2026

  • 07:44PM

Duqeymaha Cirka ee Mareykanka oo Sare u Kacay Soomaaliya Bilowgii 2026

War-saxaafadeedka AFRICOM ayaa lagu sheegay in duqeyntii ugu dambeysay lala beegsaday dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    03-04-2026

  • 09:10AM