Ruushka oo baaq u diray dowladda federaalka Soomaaliya iyo Somaliland

Image

MOSCOW, Russia – Ergayga joogtada ah ee Ruushka u fadhiya Qaramada Midoobay, ayaa sheegay in Moscow ay ka codsaneyso dowladda Soomaaliya iyo maamulka Somaliland in ay miiska wadahadalka dib ugu soo laabtaan.

Vassiliy Nebenzia ayaa waydiistey labada dhinac in ay hindisaan qaabab ay kusoo gabagabeyn karaan is-maan-dhaafkooda daba-dheeraadey.

"Waxaan ka walaacsanahay burburka ku yimid wejiga labaad ee wada-xaajoodyadii August. Waxaan ka dalbaneynaa labada dhinac in a isu tanaasuleen," ayuu yiri Vassiliy Nebenzia oo ku hadlay afka dowladda Russia.

Diblumaasiga ayaa ku daray hadalkiisa: "Aad bey muhiim u tahay in wadahadalada Dowladda Soomaaliya iyo Somaliland dib loo bilaabo".

Kadib markii labada daraf ay cadaadis kala kulmeen wakiiladda Beesha Caalamka, madaxda dowladda federaalka iyo maamulka Somaliland ayaa August, 2020 ku shiray Jabuuti. Balse heshiis kama gaarin qodobada muhiimka ah.

Siyaasiyiinta mucaaradka ayaa ku eedeeyay Villa Soomaaliya in aysan u bisileyn isla markaana daacad ka ahayn wadahadalkaas balse kaliya ay doonayeen in ay ku galaan ololaha doorashooyinka sanadka 2020-21.

Dhawaqa kasoo yeeray xukuumadda Moscow waxaa la rumeysan yahay in uu daaran yahay danaheeda labada dhinac maadaama ay dooneyso in ay dib boorka uga jafto joogitaankeeda diblumaasiyadeed kuna yeelato xerooyin.

Wargeyska New York Times ayaa Janaayo 28-keeda, sanadkan 2020 wuxuu wariyey in Ruushka uu Muqdisho iyo Hargeysa waydiistay saldhigyo ciidan. Balse mas'uuliyiinta labada dhinac illaa haatan kama jawaabin warbixintaas.

Ruushka iyo China ayaa wadda olole balaaran kaasoo ay ku doonayaan in ay Mareykanka kaga adkaadaan qaaradda Afrika ayaga oo u maraya maalgelinta dhinacyadda kaabeyaasha dhaqaalaha iyo dhismaha ciidamadda amniga.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya oo laga reebay dalalka Afrika ee dalban kara fiisaha elektaroonigga ah ee Turkiga

Si kastaba, qofka wata baasaboorka caadiga ah ee Soomaaliya weli si toos ah ugama dalban karo fiisaha Turkiga internet-ka.

  • Soomaliya

    16-07-2026

  • 04:33PM

Dagaal ka dhacay Baydhabo iyo Aadan Madoobe oo Wajahaya Caqabado ku Aaddan Hoggaaminta Koonfur Galbeed

Xaaladda Baydhabo ayaa saaka weli kacsan, waxaana laga cabsi qabaa in dagaallo hor leh ay dib uga qarxaan magaalada.

  • Soomaliya

    16-07-2026

  • 06:19AM