Ruushka oo diray baaq muhiim u ah dedaalada la dagaalanka Al-Shabaab

Image

MOSCOW, Russia – Dowladda Ruushka ayaa ku baaqdey in ahmiyad weyn la siiyo in cunaqabateynta hubka Soomaaliya aysan carqaladeyn dedaalada Ciidamadda Xoogga ee la dagaalanka maleyshiyadda hubeysan ee Al-Shabaab.

Anna Evstigneeva, ku xigeenka erayga Moscow ee Jamciyada Qurumaha Ka Dhaxeysa oo ka hadashay fadhiga fogaan araga ee Golaha Ammaanka ka yeeshay Soomaaliya, ayaa ku talisay in la tixgeliyo baahiyaha dalka ka jira.

"Golaha wuxuu u baahan yahay in uu si joogto ah dib u eegis ugu sameeyo [xayiraada hubka], xisaabtana ku darsado baahiyaha ay Soomaalida ka muujinayaan dowlad dhiska iyo natiijooyinka laga gaareyo maamulka rasaasta," ayay kaga dhawaajisay kulankaas qabsoomaya Arbacadii.

Dhawaqaan ayaa liddi ku ah ololaha Mareykanka iyo Shiinaha ku doonayaan in lagu cusbooneysiiyo cunaqabateynta hubka bisha dambe ee November.

Guddiga khuburada UN-ka ee dabagalka Soomaaliya oo warbixintooda 2020 ku caddeeyay in Al-Shabaab wali halis tahay, maalgelin iyo hub ay hesho ayaa soo jeediyey in la kordhiyo cunaqabateynta oo ay u arkeen in ay xal tahay.

Hase ahaatee, Evstigneeva oo dowladeeda ay ku hamineyso in ay gagaalan diblumaasiyadeed ku yeelato Muqdisho ayaa si duwan u aragta xalka.

"Cusbooneysiinta cunaqabateynta Soomaaliya ee loo muddeeyay bisha dambe waa fursad dib loogu eegi karo dhamaan arrimahaan," ayay ka dhawaajisay.

Waxay ku dartey: "Waxaan u aragnaa qaraarka inuu yahay dukumiinti kooban oo diiradda lagu saaray cunaqabateynta Soomaaliya iyo ka takhalusidda qodobada ku meelgaarka ah ee awoodda Golaha Amniga iyo Guddigaan".

Diblumaasiga oo taageeray in Guddiga uu waajibaadkiisa ku guto qaabka ugu haboon ayaa ka digtay in aysan dhicin qalad sanadkan qabsaday oo ah in ay warbaahinta u dusiyeen kahor inta aysan la wadaagin Golaha Amniga.

Warbixinta oo qabsatay warbaahinta caalamka iyo maxaliga ayaa tooshka ku ifisay dabacsanaanta dowladda federaalka ee la hortagga dakhliga malaayiinka ah ee Al-Shabaab ka sameyneyso dalka iyaddoo adeegsaneysa hab cabsigelin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo ka jawaabay go'aanka Midowga Yurub ee xayiraadda Fiisaha ee la saarey Soomaaliya

Midowga Yurub ayaa sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay kasoo bixi waysay wadashaqeyntii ay ka rabeen.

  • Soomaliya

    26-06-2026

  • 06:27AM

XOG: Xasan Sheekh oo cadaadis ku haya shakhsiyaad uu soo dirsaday si ay colaad uga huriyaan Puntland

Dukumiintiyada sirta ah ee la helay ayaa muujinaya in kooxaha qorshahan loo xilsaaray loo qaybiyay afar qaybood.

  • Soomaliya

    24-06-2026

  • 08:15PM