Ruushka oo si adag uga hadlay shaqaaqooyinkii Muqdisho
MOSCOW, Russia – Dowladda Ruushka ayaa carabka ku adkeysay in ay si adag u cambaareyneyso qulqulatooyinka 19-kii Febraayo ka dhacay caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho – waqtigaas ciidamadda ammaanka ay xabadeeyeen musharaxiin banaanbax nabadeed horkacayey.
Anna Evstigneeva, ku xigeenka ergayga gaarka ah ee Russia u qaabilsan Qaramada Midoobay oo ka hadashay shirkii Golaha Ammaanka uu Isniintii ka yeeshay xaalada Soomaaliya, ayaa ku nuux-nuuxsatay in muhiim ay tahay in khilaaf kasta oo jira lagu dhameeyo miiska wadahadaladda.
"Waxaan nagula wargeliyey diyaar garowga lama taabtaanka ah Muqdisho ee wada hadalka waxaan aaminsanahay in geedi-socodka lagu xaliyo miiska wada hadalka. Si kastaba ha noqotee, waa in la ogaadaa in wadashaqeyn la’aanta ay xoojin karaa khilaafka," ayay hadalkeeda raacisay.
Sidda laga soo xigtay Evstigneeva, xukuumadda Moscow ayaanan marnaba aqbali karin adeegsiga rabshadaha waxaana ay ugu baaqeysaa dhamaan dhinacyadda in ay ka fogaadaan go’aanadda halka dhinac ku saleysan.
"Waxaan ugu baaqeynaa dhammaan dhinacyada geeddi-socodka nabadeed ee Soomaalida in ay ka fogaadaan wax kasta oo tallaabooyin dhinac ah oo ay danta dalka iyo dadka ka hormariyaan himilooyinka gaarka ah ee ciriiriga ah. Dhammaan xoogagga siyaasadeed waa inay midoobaan oo muujiyaan awoodda aad loogu baahan yahay si loo ilaaliyo nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya," ayay hoosta ka xariiqdey Anna Evstigneeva oo fogaan arag ku hadleysay.
Al-Shabaab ayay hoosta ka xariiqdey in ay si weyn isugu dayeyso in ay ka faa'iideysato inta madaxda ku mashquulsan yihiin qabsoomida doorashooyinka isla markaana ay qabsan karaan dhul badan oo dalka ah.
Caawinaad kasta oo caalami ah oo la xiriirta geedi-socodka doorashada waa inay si buuxda u ixtiraamtaa madax-bannaanida, midnimada dhuleed iyo madax-bannaanida siyaasadeed ee Soomaaliya, waana in aysan waligeed faragelin arrimaha gudaha ee Soomaaliya. Mudane Swan, waxaan kugu kalsoonnahay inaad ku dhaqaaqayso dallaalnimo caddaalad ah oo ku saabsan arrintaas," ayay hadalkeeda kusoo gabagabeysay Anna Evstigneeva.
Midowga Musharaxiinta oo shalay mar kale ku dhawaaqay banaanbax kale oo 26-ka bishaan Febraayo kuna beegan Jimcada soo socoto ay qaban doonan banaanbax kale ayaa xusay in doorasho dhaceyn "iyadda oo aan meel la saarin wixii dhacay 19-kii Febraayo oo dambi weyn ah".
GAROWE ONLINE