RW DFS oo Addis Ababa kula kulmay Wasiirka Arimaha Dibada Sucuudiga

Image

ADDIS ABABA- Ra'isal wasaraha dowlada Federaalka Somalia ayaa magalaada Addis Ababba kula kulmay wasiirka arimaha dibada dalka Sucudiga Adel al-Jubeir. Kulankaan ayaa la filayaa in lagaga hadlay go'aankii dowlada Federaalka ka qaadatey khilaafka u dhexeeya dalalka Khaliifka. 

Dowladaha Sucuudiga iyo Imaraadka Carabta ayaa ka xumaadey go'aanka dowlada Federaalka ka  qaadatey khilaafkaan kasoo ay u fahmeen in Villa Somalia go'aankeedu u janjeero dhinaca Qatar.

Dhowaan ayey aheyd markii warbixin kasoo baxdey hay'ada cilmi Baarista dalka Ingriiska ee Chatham House sheegtey in khilaafka u dhexeeya wadamada Khaliijka uu saameyn ku yeelan karo wadamada ku yaal geeska Africa.

Watbixntan ayaa qayb kamid ah waxay tilmaantey in dalka Qatar maalgaliyey dowladii hore ee Xasan Shiikh halka dhinaca kale dowlada Madaxweyne Farmaajo ku tilmaantey in xiriirka Doha iyo Villa Somalia u dhexeeya waqtigaan uu buddhige u yahay agaasimaha guud ee madaxtooyada Fahad Yasiin.

Qoraalkaan ayaa u bixiyey siyaasada dowladaha Somalia isaga dambeeyey 10-kii sano ee u dambeeyey Siyaasada Islaamiyiinta (Political Islam) taasoo keentey in wadamo badan ku tartamaan xilliga Doorashada lahaanshaha maskaxda madaxda fariisaneysa Madaxtooyada Somalia.

Dalka Turkiga iyo Qatar oo iminka kasoo horjeeda gashaan buurta Sucudiga ayaa waxaa la rumeysan yahay in saameyntooda ay ku leeyihiin dowladihii ugu dambeeyey ee Somalia ay wel wel ku abuurtey wadamada kale ee Khaliijka kuwasoo xiriir dhaqaale iyo xuduud badeed la leh Somalia.

GAROWEONLINE 

Related Articles

Xamza oo la kulmay wakiilka Ururka Jaamacadda Carabta kadib eedeyntii Itoobiya

Dowladda Soomaaliya ayaa difaacday heshiiska ciidamada Masar, iyagoo sheegay in uu yahay mid loogu talagalay dib u dhiska ciidanka.

  • Soomaliya

    15-09-2025

  • 07:28AM

Nidaamka cusub E‑Visa ee Soomaaliya oo abuuray jahwareer iyo khilaaf cusub

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku doodaysa in nidaamka cusub uu yareyn doono hawsha maamulidda socdaalka.

  • Soomaliya

    15-09-2025

  • 06:48AM