RW Khayre oo Dayniile ku daah-furay shir looga hadlayo amniga

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHU, Somalia- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Somalia Xasan Cali KHayre ayaa booqasho ku tegay degmada Dayniile ee gobolka Banaadir, isagoo u kuurgalay xaaladaha amniga iyo arrimaha bulshada ee degmada ka jira.

Khayre ayaa warbixino ka dhegaystay masuuliyiinta iyo dadweynaha degamada.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa shir looga hadlayey amniga ka furay degamada Dayniile, waxana shirka goobjoog ka ahaa taliyayaasha ciidamada, wasiirka gaashaandhigga, wasiirka amniga gudaha,guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo saraakiil kale.

Intaas ka dib, Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa dadka tabaalaysan ee ku nool degmada Dayniile u qaybiyey deeq ka ka timid Imaaraadka Carabta.

Wuxuu uga mahadceliyey sida ay u garab-istaagtay dowladaas shacabka iyo xukuumadda Soomaaliya oo haatan wajahay xilli adag.

GAROWEONLINE

Related Articles

Dowlad Dhiskii Soomaaliya oo Qarka u Saaran Burbur

Marka laga eego gudaha Mareykanka, waxaa jira aragtiyo cusub oo sheegaya in Somaliland….

  • Soomaliya

    27-07-2025

  • 07:26AM

Mogadishu oo halis ku jirta iyadoo Al-Shabaab ay dhul horleh la wareegayso

Warbixinta ay soo saartay The Soufan Center ayaa muujisay in Al-Shabaab…

  • Soomaliya

    26-07-2025

  • 09:10PM