RW Khayre oo Fariin culus u diray Gollahiisa Wasiiradda [Cod + Sawirro]

Image
Image
Image

MUQDISHU, Somalia - Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa Maanta xarigga ka jaray dhismaha Wasaaradda Waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta Sare oo dib-u- habeyn ballaaran lagu sameeyey.

Khayre ayaa kormeeray qeybaha xaruntaasi ay ka koobantahay, isla markaana la dar-daarmay shaqaalaha Wasaaradda.

Munaasabadda furitaanka waxaa ka qeyb-galay wasiirro, uu kamid yahay Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Cabdi Faaraxa Saciid (juxa), Xildhibaano iyo marti sharaf kale.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in tallaabada ay qaadeen Wasaaradda Waxbarashada iyo shaqaalaheeda iyagoo kaashanaya shacabka Soomaaliyeed ay muujineyso in Soomaalidu ay wax qabsan karaan, door lixaad lehna ka qaadan karaan dib u dhiska dalka.

‘’Waa inaan u wada guntanaa dhamaanteen dhismaha dalkeena sida maanta idiin muuqata, waxaan xariga ka jarnay Wasaaraddii Waxbarashada, Hidaha iyo Tacliinta sare oo ay dad Soomaaliyeed isku xilqaameen in dib loo dayactiro lana soo celiyo bilicdii ay lahayd”.ayuu yiri R/Wasaare Khayre.

Mudane Xasan Cali Khayre ayaa tilmaamay muhiimadda ay bulshadda Soomaaliyeed u leedahay Wasaaradda Waxbarashadu, isla markaana la doonayo in wax la baro caruurta Soomaaliyeed, si aqoontooda iyo garaadkooda loo kobciyo.

Ugu danbeyn, Wasiirka Waxbarashada, Hidaha iyo Tacliinta Sare Cabdiraxmaan Daahir Cismaan, ayaa sheegay in furitaanka Wasaaraddu ay tahay tallaabo wayn oo muujinaysa dib u soo kabashada amniga dalka taas oo abuuraysa in la horumariyo waxbarashadda, waxuuna balanqaaday in ay si caddaalad ku jirto u maamulayaan howlaha shaqo iyo deeqaha waxbarasho ee wadanku helo, loona qaybin doono dhamaan maamul goboleedyadda, si loo soo celiyo kalsoonidii shacabka Soomaaliyeed, loona daraynsiiyo muhiimadda dawladnimo.

GAROWEONLINE

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM