​RW Khayre oo sheegay in lasoo deynayo Maxaabiis ku xiran Ethiopia

Image

MUQDISHU, Somalia - Ra'iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa sheegay inuu kala hadlay dhigiisa Ethiopia Hailemariam Desalegn sidii loo sii deyn lahaa maxaabiis Soomaliyeed oo ku xiran xabsiyda dalkaasi.

Maxaabiistan lasoo deynayo, oo aan tiradood la shaacin, ayaa waxaa ku jira Wariye Maxamed Aweys Muudey (Boqorka Bartamaha), oo mudo dheer ku xirnaa dalka Ethiopia.

 Ra'iisul Wasaare Khayre ayaa  Khadka Teleefoonka kula hadlay Hailemariam Desalegn, waxayna mas’uuliyiintani isku afgarteen in xuriyadooda loos oo celiyo maxaabiista wali ku xiran Ethiopia.

Warbaahinta dowladda Somalia ayaa sheegtay in Hailemariam Desalegn uu aqbalay codsiga uga yimid Ra'iisul Wasaare Khayre, ee lagu soo deynayo maxaabiista, oo dib loogu soo celinayo dalkoodii hooyo.

Ethiopia ayaa ku wareejisay Dowladda Somalia Maxaabiis tiradooda gaarayso 141, kadib markii Ra'iisul Wasaare Khayre booqasho uu ku tagey Ethiopia bishii July, islamarkaana uu la kulmay Hailemariam Desalegn.

Heshiiskan lagu soo deynayo Maxaabiista, ayaa kusoo beegmaysa xilli dowladda Federaalka weli war rasmi ah kasoo saarin arinta Cabdikariin Sheekh Muuse "Qalbi Dhagax" oo loo gacan geliyay Ethiopia.

GAROWEONLINE

Related Articles

DFS oo ka digtay in la jebiyo nidaamka duulista hawada Soomaaliya

SCAA ayaa ugu baaqday dhammaan dhinacyada ay khuseyso, oo ay ku jiraan shirkadaha duulimaadyada gudaha iyo dibadda.

  • Soomaliya

    11-11-2025

  • 01:41PM

Shaqaalaha garoonka Aden Adde oo shaqo joojin sameeyay kadib shaqo ka eryid

Mudaharaadayaashu waxay ugu baaqeen Dowladda Federaalka Soomaaliya in ay faragelin ku sameyso khilaafka.

  • Soomaliya

    11-11-2025

  • 11:55AM