RW Khayre oo waqti la qaatay dad ku sugnaa Makhaayad shaaha laga cabo

Image
Image
Image

MUQDISHU, Somalia- Ra’isal wasaaraha dowladda Federaalka Somalia, Xasan Cali Khayre ayaa galabta si lama filaan ah u fariista mid kamid ah meheradaha ku yaalla magaalada Muqdishu ee inta badan isticmaalaan dadka shacabka ah.

Isagoo kasoo baxay hotel uu uga qayb galay kulan dhaqaale loogu aruurinayay dadka Somaliyeed ee abaaruhu saameeyeen, ayuu RW ku leexday maqaayadda oo ay ku sugnaayeen dad shacabka ah, wuxuuna la qaatay kulan kooban isagoo la shaaheeyay dadkii waqtigaas goobta fadhiyay.

Mar  uu ka hadlayay ujeedka uu tallaabadaas u sameeyay, wuxuu bartiisa Twitterka ku qoray,“Waxan shacabkeyga u shegaya inan la wadaagi doono wax walba oo nala soo gudbonada intan kujirno halganka lagu so celinayo sharafti.”

Dadkii goobta fadhiyay waxay u badnaayeen dhalinyaro aad u da’a yar, wuxuuna ka waraystay xaaladooda iyo marxaladda ay haatan ku suganyihiin, isagoo usoo jeediyay inay ka fogaadaan wax kasta oo mustaqbalkooda mugdi galin kara.

Dhawaan ayuu sidaan oo kale Mudane Khayre booqasho aan lasii shaacin ku tagay xeebta Liido isagoo waqti kula soo qaatay dadkii halkaas u damaashaad tagay.

Dowladda ay hogaamiyaan Farmaajo iyo Khayre ayaa horay u ballan qaaday inay ka fogaan doonaan dhammaan wax kasta oo lagu duri jiray xukuumadihii ka horeeyay, waxayna dadka qaybtiis aaminsanyihiiin inay waxbadan kaga badalanyihiin madaxdii hore.

GAROWEONLINE

Related Articles

Cirro: “Danaha Somaliland ayaan u shaqeynayaa, ma aha Falastiin”

Madaxweynaha ayaa xusay in Somaliland ay muddo 35 sano ah raadineysay aqoonsi iyo taageero caalami ah, oo ay ku jiraan dalalka Islaamka.

  • Soomaliya

    01-07-2026

  • 09:11AM

Xiisadda siyaasadeed ee Soomaaliya oo saameyn ku yeelatay amniga iyo dagaalka Al-Shabaab

Khilaafkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay ciidamada dowladda Soomaaliya weli wadaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 12:18PM