RW Khayre oo Xasan Shiikh ku booqdey hoyga uu ka dagan yahay Muqdisho [Sabab]

Image

MUQDISHO- Ra'isal wasaare Xasan Cali Khayre ayaa aqalka uu ka dagan yahay magalada Muqdisho ku booqdey Madaxweynihii hore Xasan Shiikh kadib markii maalintii shalay booqasho uu ku yimid xarunta Soomaaliya.

Xasan Shiikh oo ka tirsan aqalka hoose ee Barlamanka Soomaaliya ayaa safarkiisa la xiriirinayaa arimo siyaasadeed iyadoo ay jiraan warar sheegaya in dhowaan isaga iyo xildhibaano tageersan ku dhawaaqayaan Isbaheysi mucaarad ku ah dowlada Framaajo.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya oo siyaasada soo galiyey Ra'isal wasaare Khayre ayaa waxaa uu madax ka ahaa kooxdii u ololeyneysay sidii dib loogu dooran lahaa  Xasan Shiikh iyadoo uusan xiriirkoodu wanaagsaneyn tan iyo intii loo magacaabey Wasiirka Kowaad ee dowlada Farmaajo madaxda ka yahay.

Khayre ayaa warar lagu kalsoon yahay waxay sheegayaan in labo jeer uu Turkiga tagey diidey inuu la kulmo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya sababo aan la shaacin. Ra'isal wasaaraha Soomaaliya ayaa mar walba ka warqabey in mudadii uu ku sugnaa Xasan Shiikh Turkiga loolan ugu jirey sidii Khayre looga badali lahaa xilka Wasiirka Kowaad islamrkaana loo siin lahaa kooxaha mucaaradka gaar ahaan Xildhibnada ka tirsan xisbigiisa.

Dadka la socda arimaha siyaasada Muqdisho ayaa u sheegey Warsidahaan in talaabada Ra'isal wasare Khayre ku booqdey Xasan Shiikh hoyga uu ka dagan yahay Muqdisho aheyd mid muujineysa cabsida uu ka qabo dhaqdhaqaaqyada siyaasadeed oo ka socda magaalada Muqdisho.

Warar aan si wananagsan u soo shaacbixin ayaa dhinaca kale sheegaya in qaar ka tirsan xildhibaanada aqalka hoose Barlamanka bilaabeen iney qoraan mooshin ka dhan ah Ra'isal wasaaraha Soomaaliya.

Barlamanada Soomaaliya ayaa furmaya bisha soo socota ee September 10keeda barri ee ugu horeeya iyadoo la filayo in Xildhibaanada su'aalo la xiriira dhinaca amniga, xilal la magacaabey iyo arimaha Dastuurka laga waydiiyo xukuumada Khayre.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Turkiga oo lagu eedeeyay inuu ka dambeeyay xil ka tuuristii Laftagareen

Eedaymahan ayaa imaanaya xilli magaalada Baydhabo ay si buuxda gacanta ugu hayaan ciidamada xoogga dalka.

  • Soomaliya

    01-04-2026

  • 12:47PM

Xamse: Saaxiibkay Laftagareen ma uusan rabin in taariikhdiisu ku dhammaato sida hadda dhacday

Khilaafka ka taagan Koonfur Galbeed ayaa ah mid muujinaya cadaadiska ka jira nidaamka federaalka ee jilicsan.

  • Soomaliya

    01-04-2026

  • 12:20PM