RW Kheyre: Hubka culus waa ka mamnuuc Muqdishu

Image

MUQDISHU, Somalia - Ra'iisal wasaaraha Xukuumadda Somalia Xasan Cali Kheyre ayaa shaaciyay in Hubka culus aan lagu dhex-wadan karin gudaha magaalada Caasumada ah ee Muqdishu.

Kheyre ayaa sheegay inuu socdo qorshe magaalada looga mamnuucaayo Hubka Dhashiikaha, Daba jeexa, Bam-baanooyinka iyo Hubka kale ee culus oo ay heystaan Ciidanka Dowladda iyo Mas’uuliyiinta.

"Dowladnimo maahan in dadka lagu dhex-heysto hubka nuuca culus, ma Al-shabaab ayaa dhex-jooga Muqdishu? Dowladeydu way mamnuucday hubka culus” ayuu yiri Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyrre.

Wuxuu dabool-ka-ka qaadey Kheyre in tallaabo adag oo sharciga waafaqsan, laga qaadi doono cid kasta oo lagu qabto Hubka culus, ee hor-ku xusan iyadoo ku dhex-wadato magaalada Muqdishu.

Hadalka Ra'iisal wasaaraha ayaa kusoo beegmaya, xilli maalmo kahor ay Ciidamada dowladda billaabeen howlgal loogu magacdarey Xasilinta Caasumadda, kaasi oo dowladdiisa amartay in la fuliyo si looga hortago weerarada Al shabaab xilliga bisha Ramadaan.

Howlgalkii Axadii ay qaadeen Ciidamada waxay kusoo qabteen Hub fara badan, oo si sharci darro ah loogu iibin jirey magaalada, kuwaasi oo lagu fulin jirey falalka lidiga ku ah Amniga dalka.

GAROWEONLINE

Related Articles

Soo Laabashadii Farmaajo iyo Isbarbardhigga Siyaasadeed ee Muqdisho Ka Curtay

Hadal kooban oo uu jeediyey kadib imaatinkiisa ayuu ku sheegay inuu Muqdisho u yimid…

  • Soomaliya

    13-11-2025

  • 01:44PM

Doon Iran laga leeyahay oo Ay Afduub u Adeegsadeen Burcad-Badeedda Soomaaliya oo la qabtay

Ciidamada badda Midowga Yurub ayaa markabka shidaalka ahaa sugeen oo amnigiisa xaqiijiyeen Jimcihii lasoo dhaafay.

  • Soomaliya

    12-11-2025

  • 09:01AM