RW Kheyre oo kulan la qaatey Saraakiisha Hay'adahaAmniga [Dhageyso]

Image

MUQDISHU, Somalia - Ra'iisal Wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa xalay kulan deg deg ah waxuu Xafiiskiisa kula qaatey Madaxda Hay'addaha amniga, kadib markii Qaraxii shalay ee dadkaa badan ay ku dhinteen.

Wasiirka Warfaafinta Eng Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow, ayaa Saxaafada ugu warbixiyay waxyaabaha looga hadlay shirka gaarka, iyo qorshooyinka dowladda ee wax looga qabanayo qaraxyada.

Wasiirka amniga iyo Gudoomiyaha gobolka Banaadir, ayaa ka qeybgalay Kulanka, kaasi oo diirada lagu saarey arrimaha amaanka, iyo sidii loo soo afjari lahaa dagaalka ka dhanka ah Kooxda Al shabaab.

"Ujeedka kulanka wuxuu ahaa sidii cashar looga baran lahaa Qaraxii shalay xarunta degmada Wadajir ka dhacay iyo wax u qabashada dadkii ku dhaawacmay," ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Somalia.

Eng Yariisow ayaa intaasi ku daray in dowladda ay ka go'an tahay inay soo afjarto jiritaanka iyo khatarta Kooxda Al shabaab, oo uu sheegay in waqtogooda uu soo dhamaadey, islamarkaana awooda la wiiqay.

Ra'iisal Wasaaraha ayaa ugu baaqay shacabka inay kala dhaqeeyaan Hay'adaha dowladda inay kala shaqeeyaan kahor taga weerarada Ismiidaaminta ee Al shabaab, ka fuliso gudaha magaalada Muqdishu.

Dhanka kale, Ciidamada dowladda ayaa kordhiyay baaritaanno gaadiidka kala duwan, waxaana laga dareemayaa Wadooyinka magaalada mashquul badan iyo dhaq-dhaqaaqa ciidanka xasilinta.

GAROWEONLINE

HALKAAN KA DHAGEYSO

GAROWEONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh: Ma doonayno in Israa’iil noo timaaddo oo dhibaatooyin noo keento

Wuxuu tallaabada Israa’iil ku tilmaamay mid “aad u murugo leh,” isaga oo ku baaqay in la ixtiraamo sharciga caalamiga ah.

  • Soomaliya

    31-12-2025

  • 08:48PM

Dowladda Soomaaliya oo xoojisay dagaalka siyaasadeed oo ka dhanka qaar ka tirsan maamulada dalka

Su’aal ay dad badan is weydiinayaan ayaa ah sababta si gaar ah Puntland ….

  • Soomaliya

    30-12-2025

  • 06:24PM