​RW Somalia oo cambaareeyay qaraxa Muqdishu iyo tirada dhimashada oo siyaaday

Image
Image
Image

MUQDISHU, Somalia- Faah faahin laga helayo weerarkii ismiidaaminta ahaa ee maanta ka dhacay magaalada Muqdishu ayaa lagu waramayaa inay ku dhintee ilaa 26 ruux halka dhaawacu gaarayo in kabadan 50 qof, waxaana waxyeellada ugu badan soo gaartay ciidamo katirsana kuwa ilaalinayay madaxda ku sugnay Hotel SYL.

Dadka waxyeelladu soo gaartay oo ay ku jireen mas'uuliyiin katirsanaa dowladda, wariyaal, ciidamo iyo shacab ayaa xaaladoodu kala duwantahay, waxaana jira wasiirro iyo Xildhibaano qaba dhaawacyo fudud halka la sheegayo inay dhinteen 15 askari.

Weerarka oo loo adeegsaday baabuur walxaha qarxa laga buuxiyay ayaa ku hor qarxay xarunta madaxtooyada iyo afaafka hotel SYL oo dhowr jeer oo hore la weeraray, waxaana taasi keentay in qaybo kamid ah hotelka bur-buro.

Dadka dhaawacmay ayaa lagu dabiiyaa xarumaha caafimaadka magaalada Muqdishu.

Dowladda Somalia ayaa siyaabo kala duwan uga hadashay arrintaasi, waxaana wasiirka Warfaafinta oo kamid ahaa dadkii dhaawacmay uu sheegay in baabuurkan  xogtiisa la hayay islamarkaana goobta ku qarxay xilli ciidamadu baacsanayeen, isagoo xusay inuu kamid ah saddex gaari oo la raadinayay kuwaasoo lagu guulaystay in la qabto mid kamid ah.

Saraakiisha booliiska gobolka ayaa iyaguna xusay inay socdaan baaritaan ku aadan qaabka weerarku u dhacay.

Ra'isal wasaaraha dowladda Federalka Somalia Cumar Cabdirashiid ayaa cambaareeyay weerarkii ka dhacay magaalada Muqdishu, wuxuuna sheegay inuu ahaa mid lagu halligayay bulshada Somaliyeed isagoo intaasi ku daray inaysan dowladdu ka daalayna howlaha ay u hayso bulshada, wuxuuna tacsi u diray qoysaskii dadkoodu ku waxyeelloobeen weerarka Al Shabaab qaaday.

” Anagoo si adag uga shaqaynayna arrimaha amniga iyo xasilinta , si loo helo mustaqbal wanaagsan, ayaa Argagixiso taas badalkeeda ku howlan yihiin sidii ay u qaadi lahaayeen weeraro fulaynimo ah oo ay waxyeelo ugu gaysanayaaan dadka shacabka ah,” Ayuu yiri Ra’iisal Wasaare Cumar oo intaas ku daray in kooxda Alshabaab ay maleegayaan sidii ay u fulin lahaayeen awaamiir laga soo minguuriyey dalka dibeddiisa.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa boggaadiyey Ciidamadda Amniga oo is hortaag ku sameeyey, kana hor tagay in cadowgu si fudud ku soo gaaro bartilmaameedkooda.

“Weerarkii maanta iyo kuwii ka horeeyey ee cadowgu ka sameeyey dalka waxay ahaayeen falal fuleynimo ah oo ay sameyeen kuwa isku qarinaya tafsiir khaldan oo ay ka bixinayaan Diinta Islaamka. Waxaan u sheegaynaa kooxaha nabad-diidka ah in ciidanka qaranka mar walba iyo meel walba uu diyaar ugu yahay sidii uu damaciinna gurracan u horistaagilahaa,”Ayuu hadalkiisa kusii daray RW Sharmaake.

Qaraxyada Muqdishu ayaa noqday kuwo is-dabada jooga ah iyadoo bartilmaameed laga dhigtay hotellada.

GAROWEONLINE

Related Articles

Dowladda Soomaaliya oo Maraykanka u soo bandhigtay saldhigyo militari iyo khayraad dabiici ah

Tallaabadan ayaa muujinaysa tartan sii xoogeysanaya oo ku saabsan cidda noqon doonta lammaanaha ugu weyn ee Maraykanka ee Geeska Afrika.

  • Soomaliya

    23-02-2026

  • 01:20PM

Madaxweynaha Soomaaliya oo Dadaal Ugu Jira Inuu Joojiyo burburka Wadahadalada Doorashada

Tallaabadan ayaa u muuqata mid si toos ah uga horimaanaysa codsi ka yimid Villa Somalia oo ku aaddan in wadahadalada la sii wado.

  • Soomaliya

    23-02-2026

  • 11:21AM