RW Somalia oo u dhoofay Ethiopia

Image

MUQDISHU, Somalia- Wafdi uu hogaaminayo Ra’isal wasaare Xasan Cali Khayre ayaa maanta u dhoofay magaalada Addis Ababa ee xarunta waddanka Ethiopia isagoo ka qayb galaya shir Madaxda ku jirta ugu goboleedkaas uga arrinsan doonaan xaaladda waddanka ugu da’da yar dunida ee Suudaan-ta Koonfureed.

Xasan Cali Khayre ayaa badalay Madaxweynaha Somalia oo la filay inuu kulankaas ka qayb galo.

Waa markii ugu horaysay Xasan Khayre uu ka qayb galo shirka IGAD.

Shirkan ayaa waxaa dhawaan shaaciyay Guddoomiyaha IGAD ahna Ra’isal wasaaraha Ethiopia Hailemariam Desalegn.

Kulankan oo ahaa mid aan caadi ahayn, ayaa la filayaa in Somalia gayso ajandayaal kala duwan oo ay ku jirto xalka siyaasadeed ee laga gaari karo colaadda South Sudan.

Ilo wareedyo katirsan Villa Somalia, ayaa sababta uu u baaqday Madaxweynuhu ku sheegay inay la xariirto shaqooyin badan oo u yalla xaafiiska.

Waxaa sidoo kale laga yaabaa in arrintaas la xariirto xaaladda Cakiran ee Somalia soo wajahday taasoo ku aadan khilaafka waddamada Khaliijka.

Wararka ayaa sheegaya in Madaxweyne Farmaajo uu ka cudur-daartey ka qeybgalka Shirka, oo markii hore lagu casuumay, waxaana sababta baaqshadiisa lagu sheegay inuu ku mashquulsan yahay arrimo kale.

Xarunta Villa Somalia ayaa todobaadkan si isdaba joog ah usoo gaarayay Wufuud ka kala socota Qadar, Sacuudiga iyo Kuwait, kuwaasi oo dowladda Federaalka kala hadlayay Khilaafka ka jira Khaliijka carabta.

Somalia ayaa dhexda aka gashay Khilaafka u dhaxeeya Qadar iyo Dalalka Sacuudiga, Imaaraatka Carabta, Bahrain iyo Masar, oo dhawaan iska taagtay meel dhexdhexaad ah, kuna baaqday wadahadal.

Qodobada la saadaalin karo In Somalia gayso shirka IGAD

Dadka la socda Siyaasadda Somalia ayaa odorosaya qodobo xasaasi ah oo waqtiga u baahan in laga caawiyo dowladda Federaalka maadama ay xubin ka tahay dalalka Todobada ah ee ku jira IGAD.

Qodobadaas waxaa kamid ah;

  • In IGAD Somalia ka caawiso wada-hadalka Galmudug iyo Ahlu Sunna
  • In IGAD ka qayb qaatado dar-dargalinta iyo fulinta qodobadii lagu gaaray magaalada Nairobi
  • In Somalia lagu daro hogaanka sare ee IGAD
  • Ka qayb galka sifaynta kooxda Al Shabaab.

Inkastoo shirkaas uu leeyahay hal u jeedo hadana waa fursad Somalia kusoo bandhigan karto codsiyadeeda iyo ajandayaasha u baahan in laga caawiyo.

GAROWEONLINE

Related Articles

Xiisad Ka Taagan Bartamaha Soomaaliya kadib Markii Al-Shabab la wareegtay Degmo muhiim ah

Si looga jawaabo weerarkaasi, dagaalyahanada Macawiisleey, oo ah maleeshiyo bulsho oo taageerta dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    17-07-2025

  • 11:16AM

Xasan Shiikh oo ka soo muuqdey Antalya xilli Soomaaliya ay wajahayso qalalaase amni iyo siyaasadeed

Sawirkan oo aad loogu falceliyay baraha bulshada, ayaa yimid xilli dalka…

  • Soomaliya

    17-07-2025

  • 01:47AM