​RW Somaliya oo khudbad ka jeediyay Shirka Golaha Guud ee QM

Image

Ra’isal wasaaraha waddanka Somaliya Xasan Cali Khayre ayaa xalay khudbad ka jeediyay shirka golaha loo dhanyahay ee Qaramada Midoobay, kaasoo uu diiradda ku saaray arrimaha amniga iyo soo kabashada ay samaynayo waddanku.

Khayre ayaa ugu horayn sheegay in Khamiistii ay u dabaal dageen maalinta Nabadda Aduunka taasina ay muhiimad gaar ah u lahayd Somaliya oo uu xusay in waqti badan dhibane u ahaayeen Colaado, Abaar iyo Fakhri, taasina keentay in dadku noqdaan kuwo ku barakacay waddanka gudahiisa iyo qaar aaday qurbaha.

Wuxuu sheegay in iminka ay soo baxayso fursad dadka Somaliyed kusoo celin karaan rajadii godka dheer  ku dhacday sanado badan kahor isagoo tilmaamay in guulo la taaban karo ay ka gaareen dhinaca amniga.

“Waxaan u mahadcelinayaa cid kasta oo Somaliya gacan siisay waqtigii adkaa, Somaliya hadda waxaa soo kabanaysaa, waxaana ku dadaalaynaa sidii aan uga qayb qaadan lahayn hormarkan gobolka, qaaradda iyo aduunka intaba,” Ayuu yiri Xasan Cali Khayre

RW Somaliya ayaase tilmaamay in wali ay jirto dhibaato ka haysatada dhinaca amniga gaar ahaan qul-qulatooyinka ay wadaan kooxaha Al Qacida iyo Daacish, wuxuuna sheegay in guulo laga gaaray dagaalka lagula jiro Al Shabaab, balse dhibka haysta ay tahay cunaqabataynta saaran waddanka.

“Waxaan samaynayo dedaalo badan oo lagu wiiqay awooda kooxda Al Shabaab, waxaana rabaa arrintaas inaan uga mahadceliyo ciidamada AMISOM, sida wanaagsanayd oo daacadnimada leh ee ay nooga taageereen dagaalka Al Shabaab,” Ayuu yiri Khayre oo hadalkiisa ku daray, “Si dadaalkaas aan usii wadno waxaan ka shaqayn doonaa sidii loo dhisi lahaa ciidamadeena, balse arrintaas waxaa hortaagan cunaqaybta dhinac hubka ah ee na saaran, taasi noo saamixi mayso inaan gaarno yoolkeena, waxaana ku dadaalaynaa sidii golaha ammaanka Qaramada Midoobay uu noogala shaqayn lahaa qaadista xayiraada hubka.”

Saboolka iyo waxbarasho la’aanta ayuu sheegay inay tahay waxa kaliyaha ee dhalinyarada Somaliyeed ku riixaya inay ku biiraan kooxa Argagixisada, isagoo ku baaqay in laga caawiyo sidii loogu samayn lahaa maalgashi iyo u abuuris xirfado shaqo.

Ra’isal wasaaraha Somaliya oo sii hadlaya ayaa carrabka ku dhuftay in dowladdiisu dedaal ku bixisay sidii loo yaran lahaa musuq-maasuqa oo hadda uu xusay inuu hoos u dhacay.

Xasan Cali Khayre ayaa sidoo kale tilmaamay in dowladdu ka shaqaysay sidii dhalinyarada kaalin  looga siin lahaa siyaasadda isagoo tusaale usoo qaatay wasiirkii la dilay ee Siraaji kaasoo sida uu tilmaamay kusoo koray xaalad adag, balse nasiib darro lagu dilay Muqdishu.

RW ayaa ugu dambayn ka codsaday Qaramada Midoobay in laga gacan siiyo sidii Somaliya mar kale cagaheeda isugu taagi lahayd islamarkaana xal uga gaari lahayd dhibaatooyinka Dagaal, dhaqaale, Abaar iyo Faqri sababta u yihiin.

GAROWEONLINE

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM