RW Somaliya oo qorsheynaya inuu isku shaandheeyo golihiisa Wasiirada

Image

MUQDISHU- Warar Warsidaha Garowe Online ka helayo Ilo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Ra'isal wasaaraha dowlada Federaalka Xasan Cali Khayre uu qorsheynayo marka uu dib ugu soo noqdo magaalada Muqdishu isku shaandheyn kooban ku sameyn doono golihiisa Wasiirada isaga oo la filayo in xilalka uu ka qaado wasiiro muhiim ah.

Warkaan ayaa sheegaya in Wasaaradaha arimaha gudaha, dibbada, Waxbarashada, Gashaandhiga, Maaliyada iyo amniga ay yihiin kuwa ugu muhiimsan oo isbadlkaan saameynta ku yeelan doono iyadoo Wasiiradaan isugu jiraan kuwo Ra'isal wasaaraha khilaaf ka dhexeeyo iyo kuwo shaqooyinka ay hayaan aan ku wanaagsaneyn.

Xogtaan ayaa sheegeysa in isku shaandheyntaan uu damacsan yahay Wasiirka kowaad ee Somaliya ay sababta ugu wayn tahay khilaafka shaqo ee u dhexeeya isaga iyo Wasiirada arimaha gudaha Cabdi Siciid Farax 'Juxa' iyo maaliyada Cabdiraxman Duceyle Bayle kuwasoo Mudane Khayre diidan yahay inuu la sii shaqeeyo.

Wasiirka arimaha gudaha dowlada Federaalka ah iyo Ra'isal wasaare Khayre ayaa isku khilaafey xil ka qaadistii agaasimaha guud ee wasaarada iyo arimo la xiriira fikradaha ay kala qabaan ee ku aadan qaabka loo wajahayo nidaamka federaalka  iyo barnaamijka jinsiyada. Agaasimihii guud ee hore ee Wasaarda arimaha gudaha ayaa waqtigaan ka shaqeeya xafiiska Ra'isal wasaaraha Somaliya iyadoo warar lagu kalsoon yahay sheegayaan inuu u qaabislan yahay howlo la xiriira arimaha Federaalka..

Dhinaca kale Waxaan wanaagsaneyn xiriirka shaqo ee wasiirka wasaarada maaliyada iyo Ra'isal wasaare Khayre iyadoo warar lagu kalsoon yahay sheegayaan iney waqtiyo badan isku fahmi waayeen qaabka dib loogu dhisayo nidaamka dhaqaale ee dalka gaar ahaan isbadalo lagu sameynayey saraakiil ka shaqeynsay Ilaha dakhliga kasoo galo magaalada Muqdishu.

Warsidaha Garowe online ayaa dhinaca kale fahansan in Wasiirada arimaha gudaha iyo maaliyada markii la dhisayey golaha xukuumada kamid ahaayeen xubno Madaxweyne Maxamad Cabdulahi Farmaajo daneynayey in lagu soo daro golaha wasiirada.

Xogtaan ma sheegeyso in madaxweyne Farmaajo wax ka ogyahay qorshaha Ra'isal wasaare Khayre ku damacsan yahay in uu xilalka ka qaado qaar ka tirsan wasiiradiisa  ugu muhiimsan xukuumadiisa.

Isbadalkaan ayaa ahaan doona mid kooban oo aan u baahnaan doonin in xukuumadda cusub la horgeeyo golaha Barlamanka dowlada Federaalka Somaliya.

GAROWEONLINE

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM