RW Xasan Cali Khayre oo aqbalay magacaabista Farmaajo [Dhagayso]

Image

MUQDISHU, Somalia- Xasan Cali Kheyre ayaa aqbalay magacaabista uu Madaxweyne Maxa'ed Cabdullaahi Farmaajo u doortay inuu qabto xilka Ra'iisul wasaaraha Jamhuuriyadda Somlia.

Kheyre ayaa sheegay inuu aad ugu faraxaan yahay xilka loo magacaabay, wuxuuna ballan qaaday inuu si hufan oo daacadnimo ku jirto ula shaqeyn doono Madaxweyne Farmaajo.

"Haddii ay i ansixiyaan Baarkamaanka, waxaana soo magacaabi doonaa Gole wasiirro oo ku shaqeyn doono Rabitaanka shacabka iyo Hadafka Madaxweyne Farmaajo ee ku aadan dib usoo celinta Somalia," ayuu yiri RW Kheyre.

Xasan Cali Kheyre ayaa intaasi ku daray in uu la imaan doono qorshe cusub, oo uu wax uga qabanayo caqabado dhanka amniga, Dhaqaalaha iyo abaaraha dalka ka jiraan, oo hadda wax ka qabasho u baahan.

Wuxuu fariin u diray shacabka Somaliyeed, inay gacan ku siiyaan sidii ay u gudan lahaayeen xilkan ammaanada ku ah.

Farmaajo ayaa 49 jirkan siyaasadda ku cusub u magacaabay Ra'isal wasaaraha Somalia, isagoo ku sugnaa waqtigaas magaalada Muqdishu balse safar u ahaa Sacuudiga, wuxuuna jagadan ku baahiyay bartiisa twitter-ka.

Habkan wax loo magacaabay ayaa ku cusub qaabka horay mas'uuliyiinta Somaliyeed wax u shaacin jireen.

Xasan Cali Kheyre Waa Kuma?

Xasan Cali Kheyre waxa uu 1968-dii ku dhashay magaalada Muqdishu, waa 49 sano jiro kasoo shaqeeyay Hay'adda Qaxootiga Norway ee NRC, oo Agaasimaha uga soo noqday Somalia iyo Yemen.

Waa Shaqsi Siyaasadda ku cusub, oo haysta dhalasha dalka Norway, oo magangelyo ka helay markii uu dalka ka billowday Dagaalkii sokeeye 1991.

Mudane Kheyre, wuxuu mudooyinkii dambe ku noolaa UK, oo Agaasime ka yahay shirkadda shidaalka ee Som Oil and Gas, uu u qaabilsan yahay qeybteeda Bariga Afrika.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM