Sababta ay xukuumada u baabi'isay heshiisyo ay la gashay shirkado

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ka laabatay heshiisyo ay kula jirtay shan shirkadood oo ah kuwa si gaar ah loo leeyahay.

Shirkadaasi oo kala ah; General Moters, Balqiis General, Sawaasiya General, Barwaaqo General iyo Gaagaale General ayaa ruqsad siin jiray gaariga u qalma in uu magaala maro.

War-saxaafadeed lagu baabi'iyey heshiisyadda oo kasoo baxay wasaaradda Duulista Hawada iyo Gaadiidka ayaa waxaa nan lagu caddeynin sababta dhabta ah ee ka dambeysa arirntan.

Balse wararka kala duwan oo soo baxaya ayaa waxay daboolka ka qaadayaan in ay jiraan cabasho ka dhan ah shirkadaha oo ka timid mulkiileyaasha gaadiidleyda.

Si lamid ah, warbixino kale oo laga helay illo wareedyo ayaa farta ku fiiqaya in ay la xiriirto muran ka dhashay ilaalo hubeysan oo ay shaqaaleysiiyeen shirkadaha.

Qandaraaska la siiyey shirkadaha oo aan la hubin hadii tartan furan loo galay helitaanka ayaa nan sidoo kale lasoo bandhigin markii ay dhinacyadda qalinka ku duugayeen.

HOOS KA AKHRISO QORAALKA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Bandow Lagu Soo Rogay Baydhabo Xilli Amnigu Sii Xumaanayo

Colaadda ayaa saameyn ku yeelatay shacabka, iyadoo sidoo kale ay hakad ku yimaadeen dhaqdhaqaaqyadii ganacsi iyo nololeed ee magaalada.

  • Soomaliya

    01-10-2026

  • 08:21AM

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM