"Sababta ugu weyn" ee loo beegsaday Ikraan Tahliil Faarax
MUQDISHO, Soomaaliya – Tuhunka ugu weyn ee kiiska Ikraan Tahliil Faarax, madaxii ammaanka internet-ka ee hay’adda mukhaabaraadka Soomaaliya wuxuu ku uruurayaa isla hay’adda ruuxadeeda, sida ay xuseen madaxdii hore ee NISA.
Cabdullaahi Maxamed Cali [Sanbaloolshe], agaasimihii hore, iyo Cabdisalaam Guuleed, taliye ku xigeenkii hore ee NISA, ayaa rumeysan in "sababta loo beegsadey" 23-jirtan "ay tahay in ay hayso xogta diiwaan-gelinta askarta loo diray Eritrea".
Sanbaloolshe iyo Guuleed oo u waramay laanta afka Soomaaliga ee idaacadda VOA-da ayaa waxay ku dhaleeceeyeen dowladda federaalka ah in aysan wali ka hadlin gal-dacwadeedkan.
"Dambi wajiyo badan leh"
Xilli uu qaddiyadan ku sifeeyay "dambi wajiyo badan leh," Sanbaloolshe ayaa tibaaxay in Ikraan ay "dhibane u tahay macluumaad xasaasi ah oo ay xog ogaal badan u tahay".
"Gabadhan awood badan kuma lahayn laakiin waxay ahayd sarkaal insider ah oo xog badan oo xasaasi ah og ayay noqon kartaa. Waxaa dhici karta in wax ay og tahay in ay dhibane u tahay. Laga yaabaa in caddeymo ay hayso in ay dhibane u tahay dadka qaar waxay igu dhaheen waxay haystaa liiska diiwaan-gelinta askarta loo qaadey Eritrea," ayuu yiri.
Ikraan oo soo noqotay agaasimaha xafiiska duqa Muqdisho intii joogay Injineer Yariisowga ay Al-Shabaab ismiidaaminta ku dishay ayaa la sheegay in ay NISA ku biirtay April, 2017-kii.
"Gabadhan waxaa la leeyahay waxay haysay xogta ciidanka meeshaas aaday iyo in ay marqaati ka noqon kartay arrimo kale oo xasaasi ah oo laga yaabay in mardhow in ay soo baxaan. Laakiin annaga illaa hadda malaa'ig ma nihin oo ma ogaan karno laakiin baaritaanada ayay kasoo bixi doonan," ayuu hadalkiisa intaas raaciyey taliye Cabdullaahi Sanbaloolshe.
Raad miyaa "la tirtirayaa"?
Sida uu muujinayo muuqaal CCTV oo uu arkay warsidaha Garowe Online, Ikraan ayaa markii cid ugu war dambeysay waxay ahayd 26-kii June waqtigaas oo habeen madow uu gurigeeda ka qaadey gaar ay leedahay NISA "markii uu u yeeray sarkaal sare".
"Marka la isku dayo meesha laga wadday ee muuqaalka soo baxay muujinayo iyo in ay tahay meel u xiran hay’adda waxay xoojinayaan in gabadhani ay ku maqan tahay gacanta dowladda," ayuu tibaaxay Mr Cabdisalaam Guuleed.
Sida laga soo xigtay Guuleed, haddii la xaqiijiyo in Ikraan loo beegsaday in ay hayso xogta askarta sida qarsoodiga ah uu maamulka Farmaajo ugu diray Eritrea waxay ka dhigan tahay in dowladda ku talagashay in ay tirtirto raadkaas.
"Taas ma caddeyn karno haddey taas run tahay. Dadkii og baa og oo I dhageysanaya maanta. Haddii ay lug ku lahayd qorida askarta loo qaadey – iyadda shaqaale la adeegsanayo ayay ahayd go’aanada ma lahayn – markaas waxaa soo baxeyso sabab aad u weyn oo ah in dowladda ay tirtireyso raad aad u weyn qofka uu ku lahaana uu hawadda ka baxo," ayuu caddeeyay.
Sikastaba ha ahaatee, galka Ikraan oo illaa haatan aan nolol iyo geeri meel lagu sheegin ayaa haddii si rasmi ah loo xaqiijiyo in ay ku baxdey gacanta dowladda wuxuu ku biirayaa liiska mahadhooyinka galaafan doona sumcada maamulka Farmaajo.
GAROWE ONLINE