Sacuudiga oo ka digay in loo socdaalo Soomaaliya

Image

RIYADH, Saudi Arabia – Sacuudi Carabiya ayaa muwaadiniintiisa iyo dadka waddankaas ku nool wuxuu cod dheer uga digay in ay u safraan 12 dal oo Soomaaliya ku jirto, sidda ay ku warantay warbaahinta maxaliga ah.

Mareegga Gulfbusiness ayaa wariyey in Wasaaradda Arrimaha Dibadda boqortooyadda ay baahisay liiska waddamadaas.

Dalalka xayiraadan dhanka socdaalkan ay Riyadh kusoo rogtay ayaa kala ah; Libya, Syria, Lebanon, Yemen, Iran, Turkey, Afghanistan, Armenia, Somalia, Congo, Venezuela, iyo Belarus.

Ma cadda sababta dhabta ah ee ka dambeysay go’aankan. Balse waxay imaaneysaa xilli nooc cusub oo Covid-19 ah uu dilaacay. Noocaan cusub waxaa la sheegay in uu ka faafitaan badan yahay noocii hore.

"Illo wareedyaddu waxay sheegeen in dadka rajeynaya in ay u socdaalaan 12-kan dal iyo waddan kasta oo aan ku filneyn xakameynta safmareenka, waa in ay ogolaanshiyo waydiistaan," ayuu raaciyey bogga.

Sidda laga soo xigtay warbixinta, muwaadiniinta Sacuudiga ee ku nool wadamadaas ayaa lagula taliyey in ay diiwaan-geliyaan xogtooda lana wadaagaan safaaradda boqortooyaddu ku leedahay wadamadaas.

Boqortooyadda Sacuudi Carabiya ayaa laga bilaabo 13-kii Janaayo, 2021 illaa tan iyo markii uu dilaacay safmareenka waxay diiwaan-gelisay kiisas dhan 364,271, halka dhimashadda ay wadar ahaan dhan tahay 6,304.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Xasan Sheekh oo cadaadis ku haya shakhsiyaad uu soo dirsaday si ay colaad uga huriyaan Puntland

Dukumiintiyada sirta ah ee la helay ayaa muujinaya in kooxaha qorshahan loo xilsaaray loo qaybiyay afar qaybood.

  • Soomaliya

    24-06-2026

  • 08:15PM

Puntland oo Ka Digtay Hub ay Dowladda Federaalku Geysay Deegaankeeda

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sannadkii hore ee 2025-ka ku faanay in maleeshiyaad ka dhex qortay gudaha Puntland.

  • Soomaliya

    24-06-2026

  • 11:55AM