Sacuudiga oo Maxamed Atam ku daray liiska Argagaxisada

Image

RIYADH - Dowladda Sacuudiga ayaa Liiska Argagaxisada ku dartay Maxamed Saciid Atam, oo kamid ahaan jiray hogaamiyaasha ugu sareeya ee Kooxda Al Shabaab.

UAE, Saudi Arabia, Egypt iyo Bahrain ayaa soo saarey Liis cusub oo ay ku qoran yihiin 11 qof, oo uu kamid yahay Maxamed Saciid Atam iyo labo shirkadood kuwaasi oo si toos ah dhaqaale u siiso Qadar.

Labada Shirkadood oo kala ah "The International Islamic Council "Massaa" iyo  World Union of Muslim Scholars ayaa waxay dowladahan ku eedeeyeen inay fidiyaan xagjirnimada iyo falalka argagaxiso iyagoo ku gambanaya Diinta Islaamka.

Shaqsiyaadka uu Maxamed Saciid Atam kamid yahay ayaa waxaa warbixinta lagu sheegay inay katirsan yihiin Kooxaha argagaxisada ee ay taageerto dowladda Qadar, oo siisay baasabooro iyo dhaqaalo badan.

Maxamed Saciid Atam waxa uu ahaa aas-aasaha Al Shabaab-ka buuraha Galgala ee gobolka Bari, waxaana uu dembiyo badan uu ka galay Puntland, isagoo mas'uul ka ahaa qaraxyo lala eegtay ciidamada iyo dilal ka dhacay Boosaaso.

Atam ayaa kadib mudo markii uu ka howlagalay Galagala, islamarkaana qayb ka ahaa dagaalo iyo weeraro argagaxiso ee ka dhacey Puntland ayaa Al Shabaab ka qaaday xilka, isagoo kadib usoo wareegey Koonfurta Soomaaliya 2014.

Atam waxa uu bishii Juun isla sanandkii 2014-ka kasoo goostay Al-Shabaab, isagoo sheegay inuu ka ka badbaaday dilalkii uu Axmed Godane degmada Baraawe ugu geystey hogaamiyaal sare oo Ibrahim Afghan kamid ahaa, kadib markii hogaankiisa ay kasoo horjeesteen.

Waxa uu isku soo dhiibay xilligaasi dowladdii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, oo magangelyo siyaasadeed ugu dhamaysay dowladda Qadar, oo gacan-saar kala dhaxeeyay.

Bishii Febraayo ee 2016-kii ayaa la geeyay Atam dalka Qadar kadib markii uu soo dhammaaday qorshe sicdey muddo ka badan sannad oo lagu diyaarinayey magangelyadiisa waddankaasi uu ka helay.

Hoggaamiyihii hore ee garabka ururka Al-Shabab ee ka dagaalama degaannada Galgala ee Puntland Maxamed Siciid Atam ayaa hadda ku nool dalka Qadar, isagoo ka baxsaday cadaaladda in loo soo taago.

Waxaa la rumyaysan in magangelyo siinta Atam ay cadayn u tahay in Qadar ku lug leedahay taageerada Kooxaha argagaxisada ee ka dagaalama dalka Soomaaliya, gaar ahaan Al Shabaab iyo Maxkamadihii burburay.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM