Saddex arrimood oo gaar u ah furitaankii kal-fadhiga Gollaha Shacabka

Image

MOGADISHU, Soomaaliya – Madaxwayne Farmaajo ayaa Arbacadii furay kal-fadhiga 5aad ee Gollaha Shacabka baarlamaanka Soomaaliya.

Munaasabada furitaanka oo ka qabsoontay hoolka shirarka ee dugsiga tababarka ciidanka Soomaaliya waxaa ka qayb-gashay madax dhowr ah.

Kal-fadhigaan oo socon doona muddo saddex bilood ah ayaa ka kooban doonan in ka badan 10 fadhi oo mid kasta ajendaha gaar ah looga hadlayo.

Hadaba warsidaha Garowe Online waxa uu kusoo gudbinayaan saddex arrimood oo laga diiwaan-geliyay furitaanka kal-fadhiga 5aad.

Wadajir la'aan –

Hogaamiyaha Soomaaliya ayaa furay kal-fadhiga 5aad markii labaad oo xiriir ah iyadda oo aanan qayb ka ahayn munaasabada Aqalka Sare.

Senate-ka ayaa bishii Janaayo xiriirka ugu jaray Aqalka Hoose "isku koobida ansixinta Miisaaniyada, arrimaha dibada iyo doorka maamuladda".

Farmaajo oo xiritaankii kal-fadhiga 4aad ee Gollaha Shacabka ka sheegay in uu u kala dab-qaadayo labada dhinac ayaa u muuqda mid ku guuldareystay.

Ka qaybgalayaashii furitaanka kal-fadhiga 5aad ayaa adkeeyay ahmiyada midnimada labada Aqalka, oo ay ku tartarsiiyeen in ay wadashaqeeyaan.

– Ka qaybgalka –

Martida kasoo muuqatay xaflada ayaa isugu jiray gudoonka baarlamaanada maamul goboleedyada, beesha caalamka iyo xubno kale.

Furitaankii kal-fadhiga 4aad ayaa la sheegay in ay aad u yareed mas'uuliyiinta ka socota maamulada ee ka qaybgashay sababo ku aadan khilaafka jiray.

"Waxay ila tahay in sidaan loo sameeyay si furitaanka kal-fadhigaan uu uga duwanaado kuwii hore," ayuu yiri Ismaaciil Warsame, gudoomiye ku xigeenka labaad ee Gollaha Wakiilada dowladda Puntland.

Ismaaciil ayaa ku tartarsiiyay Afhayeenka Gollaha Shacabka, Maxamed Mursal Cabdiraxmaan, in uu dhex u noqdo Gollayaasha sharcidejinta dalka, uun ka tallogeliyo sharciyada muhiimka ah.

– Sharciyada –

Kal-fadhiga 5aad ayaa furmaya iyada oo Gollaha ay horyaalaan 29 hidisa sharciyadeed, taasi oo ka badan kal-fadhiga 4aad.

Tani macnaheedu waxay tahay in kaliya Madaxwayne Farmaajo uu qalinka ku duugay labo xeer tan iyo markii xafiiska yimid, labo sano kahor.

Hindisa sharciyadeedyada Gollaha la horgeeyay ee ansixinta sugayo kadib akhrinta ayaa waxaa kamid ah xuquuqsiinta ciidamada, la dagaalanka musuq maasuqa iyo argagagxisadda.

Kuwa uu madaxwaynuhu saxiixay ayaa kala ah; dhismaha hay’adda naafada qaranka iyo sharciga Isgaarsiinta wadanka.

Farmaajo ayaa ka codsaday xildhibaanada in ay dardargeliyaan gudasha waajibaadkooda isla markaana ay meel-mariyaan sharciyada muhiimka ah ee horyaalla sida ciribtirka wax is-dabamarinta.

Ugu dambeyntii, Gudoomiye Mursal ayaa cod dheer kaga dalbaday xukuumada in ay soo gudbiso sharciga doorashooyinka qaran oo udub-dhaxaad a ah coddeyn qof iyo cod oo dalka ka qabsoonta 2020-21.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cali Isxaaq Subag: Xasan Sheekh baa u dhacay oo kursigeyga siiyay saaxiibkiisa

Anigoo wax dembi ah la iigu soo eedeyn, shaqadaydana wata, oo bishii lasoo dhaafayna qaatay mushaarkayga.

  • Soomaliya

    08-04-2026

  • 12:24PM

Madaxweyne Deni oo ku eedeeyay dowladda federaalka inay wiiqayso nidaamka federaalka

Wuxuu intaas ku daray in Puntland ay ka go’an tahay ilaalinta nidaamka federaalka iyo ka hortagga wax kasta oo lid ku ah. 

  • Soomaliya

    07-04-2026

  • 06:00PM