Saddex arrin oo keentay in ciidamada Soomaaliya aysan helin xuquuqdooda

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ciidamada Soomaaliya ayaa nan qaadan wax mushaar ah bilooyinkii u dambeeyay, taasoo ay dowladdu ka fal-celisay.

Todobaadkii hore, waxaa xarunta wasaarada Gaashaandhiga tegay Wasiirka Difaaca iyo Gudoomiye ku labaad ee Gollaha Shacabka.

Labada mas'uul ayaa kala hadlay saraakiisha sababta dhalisay in xoogaga difaaca qaranka aysan helin xuquuqdooda.

Hadaba, baaritaan iyo xog uruurin uu sameeyay warsidaha Garowe Online, waxaan halkaan idin ugu haynaa saddex arrimood oo sabab u ah.

– Gaabis dhinaca dowladda –

Inkasta oo madaxda dalka ay ku cel-celiyaan in ay mushaarkooda siin doonaan ciidamada, haddana ma qaadaan talaabo rasmi ah.

Sidda uu ogaaday GO, xuquuqda ciidamada waa tan ugu dambeysay oo ay ka fekeraan madaxda ku shaqada ah iyo wasaarada Maaliyadda.

Tusaale ahaan, iyadda oo mas'uuliyiinta kale ee dowlada sida Xildhibaanada iyo shaqaalaha kale aysan qaadan mushaar ciidamadu ma helaan.

"Maadaama ciidamadu ay yihiin kuwa har iyo habeen lagu nasto waxaan fiicnaan lahayd in iyaga lagu bilaabo," ayuu yiri sarkaal hore.

– Ciidamada oo aan u diyaarsaneen –

Wasaarada Maaliyadda Soomaaliya ayaa hir-gelisay nidaam casri ah oo ciidamadu ku qaadanayaan mushaarkooda.

Nidaamkaan oo sahlaya in ay qaateen mushaarkooda ayaa ah in Askari walba uu leeyahay Bangi loogu soo diro lacagta.

Sidda GO ku ogaaday xog-uruurinta, ciidamada uma diyaarsana nidaamkaan, iyaga oo door-bidaya qaabkii hore ee lacagaha kaashka ah ku qaadan jireen.

"Marka hore Askariga waa muhiim in loo tababaro nidaamka cusub, maxaa yeelay qaarkood aqoon ku filan malahan," ayuu raaciyay sarkaalka.

– Dulsaar –

Hogaanka talisyada ciidamada xoogga dalka ayuu GO fahansan yahay in ay dowladdu dulsaartaan lacago ka badan tiradda askartooda.

Tani waxay dhabaha u xaartaa in askarta qaar aysan helin xuquuqdooda, sababta oo ah dakhliga dowladda oo aan buuraneen.

"Dowladda waxaa la gudboon in ay hubiso tirada ciidamada…ama ay dabagal ku sameyso lacagta ay bixisay," ayuu sarkaalka ku daray hadalkiisa.

Dhamaan arrimahaan ayaa hoos-imaanaya musuqmaasuq oo ay dowladdu dagaal adag kula jirto, inkasta oo aysan muuqan guul laga gaarey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya: Wasiir hore oo loo xukumay afduub iyo burcad-badeednimo

Wariye Michael Scott Moore ayaa wuxuu haystaa dhalashada dalalka Mareykanka iyo Jarmalka.

  • Soomaliya

    15-11-2024

  • 07:56AM

Fahfaahin cusub oo laga helay kulankii Xamse iyo wafdiga dowlada Kenya

Kulankan ayaa qeyb ka ahaa isku-dayada Villa Soomaaliya ku cadaadineyso maamulka Jubaland.

  • Soomaliya

    14-11-2024

  • 12:10PM