Saddex kamida ra'iisul wasaareyaashii hore ee Soomaaliya oo dhintay 2020

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Si guud sanadka 2020, wuxuu dunida u yahay mid kamid ah xagaayadii ugu xumaa ee taariikhda soo maray. Colaado, musiibooyin, Covid-19 iyo geerida magacyo caan waa dhacdooyinka lagu xusuusanayo.

Si gaar ah Soomaaliya oo qayb kamid ah waxyaabahaas ay ka dhaceen waxaa ka geeriyoodey saddex kamid ah ra'iisul wasaareyaashii dalka soo maray.

Nuur Xasan Xuseen [Nuur Cadde]

Ra'iisul wasaarihii 12aad ee Soomaaliya oo xafiiska joogay November 2007 illaa February 2009 taasoo u dhiganta hal sano iyo 82 maalmood ayaa caasimada Ingiriiska ee London ku geeriyooday 1-da April markii haleelay Covid-19.

Nuur Cadde oo lasoo shaqeeyay madaxweynihii dowladii ku meel-gaarka ahayd ee Cabdullaahi Yuusuf Axmed ayaa bedelay Cali Maxamed Geedi oo is-casilay. Muqdisho ayuu ku dhashaysannadkii 1938 wuxuuna ahaa 82 sano jir.

Xasan Abshir Faarax

Ra'iisul wasaarihii 9aad ee Soomaaliya ayaa xilka hayey intii u dhaxeysay November 12, 2001 to November 8, 2003. Wasiirka arrimaha gudaha Puntland, duqa Muqdisho iyo Xildhibaan federaal ayuu sidoo kale soo noqdey.

Marxuumka oo caasimada Turkiga ee Ankara ugu dhintay isagoo 77-sano jir ayaa sanadkii 1943 ku dhashay Muqdisho. Dowladii Cabdiqaasim Salaad ee lagu soo dhisay magaalada Carta ee Jabuuti ayuu ka noqdey wasiirka koowaad.

Geeridiisa ayaa timid maalmo kadib markii Turkiga loogu qaadey xaalad caafimaad. Ma jirto cid fahfaahin ka bixisay cudurkii isbitaalka loo dhigay.

Cali Khaliif Galeydh

Ra'iisul wasaarihii 8aad ee Soomaaliya ayaa xukunka gacantiisa ku jirtay October 8, 2000 to October 28, 2001 taasoo ka dhigan hal sano iyo 20 maalmood ayaa ku dhintay magaala madaxda Soomaali Galbed ama Kalinka Shanaad ee Jigjiga.

Galeydh oo xilka wasiirka koowaad ka ahaa dowladii kacaanka Wasiirka Warashadaha soona noqdey Xildhibaan federaal ayaa la isku khilaafsan yahay xanuunka uu u dhintay xilli qoyskiisu ay dalbadeen baaris dhaaraad ah.

Mas'uuliyiinta dowlad degaanka ayaa wariyey in uu u dhintay Covid-19. Balse, dhakharkii gacanta ku haayey, jabhada ONLF iyo qoyskiisu way naqdiyeen, iyagoo tuhunsan in lagu sumeeyay cunto uu qaatay markii xanuunku kusoo boodey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo helay cadeymo Muujinaya Xiriirka Daacish iyo Somaliland

Toddobaadkii hore, ciidamada Puntland ayaa sheegay inay heleen lacagta Somaliland oo looga tagey goobihii laga saarey Daacish.

  • Soomaliya

    03-03-2025

  • 02:35PM

Laftagareen oo Ka Qayb Galay Xuska 129-aad ee Guushii Itoobiya ka gaartay dagaalkii Adwa

Wuxuu sidoo kale xusay in xuska noocan ah uu muhiim u yahay kor u qaadista isbeddelka siyaasadeed iyo dhaqaalaha ee qaaradda Afrika.

  • Soomaliya

    03-03-2025

  • 12:40PM