Saddex sarkaal Al-Shabaab ah oo loo goobayo cunaqabateyn

Image

WASHINGTON, USA - Dowladaha Soomaaliya iyo Mareykanka ayaa doonaya in saddex xubnood oo ka tirsan maleyshiyadda Al-Shabaab lagu darro liiska cunaqabateynta Jamciyadda Qurumaha Ka Dhaxeysa, sidda ay sheegayaan warbixinadda laga helayo shirka Golaha Ammaanka.

Saraakiishaas ayaa kala ah; Abuukar Cali Aadan, hogaamiye ku xigeenka ururka, Macalin Ayman, taliyaha guutadda Jeysh Ayman ee ka dagaalanta dalka Kenya, iyo Mahad Karataay, ku xigeen hore ahna xubin awood badan.

Codsigan ayaa wuxuu u baahan yahay in ay si wada ogol ah ugu coddeeyaan dhamaan 15-ka dal ee xubinta ka ah Golaha Ammaanka Qaramadda Midoobay kaasoo maanta oo Isniin ah ka shiray xaaladda Soomaaliya.

Liiska cunaqabateynta Qaramada Midoobay ayaa la macno ah in xubnahaas loo aqoonsan doono argagixiso caalami ah isla markaana laga mamnuuci doono in ay sameeyaan dhaqdhaqaaq iyo in dad kale la ganacsadaan.

Mareykanka ayaa horey wuxuu qaar kamid ah horjoogeyaashan uu madaxooda u dul dhigay aduun lacageed kaasoo uu u balanqaadey in uu siin doono ciddii kusoo wargelisa xog lagu qaban karo ama lagu dili karo.

Dalabka dowladaha Muqdisho iyo Washington ayaa kusoo hagaagay xilli horaantii sanadkan 2021 uu Mareykanka dhimay askarta ka joogta Soomaaliya una wareejiyay wadamadda Kenha iyo Jabuuti.

Al-Shabaab ahaa haatan ah khatarta ugu weyn ee ammaanka Soomaaliya waxaana maleyshiyadda ay beegsataa ciidamadda, mas'uuliyiinta dowladda iyo goobaha ay ku kulmaan dadka shacabka ah oo ay kamid yihoon maqaayadaha iyo mehradaha kale ee ganacsiga.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Nin Soomaali ah oo weerar mindi ku qaaday laba nin oo Yuhuud ah London

Warbaahinta BBC ayaa sheegtay in ninka la hayo uu yahay Essa Suleiman, 45 jir, oo degan koonfur-bari London.

  • Soomaliya

    30-04-2026

  • 02:26PM

Carruurta Soomaaliya oo halis wajahaya sababo la xiriira dagaalka Iran iyo Mareykanka

Hay’adda International Rescue Committee (IRC) ayaa sheegtay in 225 kartoon oo cunto laws ah oo haray xarun ay taageerto.

  • Soomaliya

    30-04-2026

  • 12:06PM