Saddex sarkaal oo 24saac gudahood Muqdisho lagu diley

Image

April 26, 2015 (GO)- Ugu yaraan saddex sarkaal oo ka tirsanaa Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa 24tii saac ee lasoo dhaafay magaalada Muqdisho lagu diley.

Dabley hubeysan ayaa barqonimadii maanta ku dilay agagaarka isgoyska KPP ee degmada Hodan sarkaal ka tirsanaa ciidamada asluubta oo lagu magacaabi jirey Cabdullaahi Kamaal Ismaaciil.

Xuseen Cabdi oo isna ahaa mas'uul ka tirsan maamulka degmada Xamarjajab ayaa isla maanta toogasho lagu diley.

Guddoomiye waaxeed ka tirsanaa degmada Dayniile oo lagu magacaabi jirey Ibraahim Maxamed Bariise ayaa sidoo kale xalay magaalada Muqdisho lagu diley.

Dilalkan waxaa qaarkood mas'uuliyaddooda sheegtay ururka Al-shabaab ilaa iyo haddana ma jirto cid falalkan ammaan darrida ah lala xiriirinayo oo laamaha ammaanku qabteen.

Shalay waxaa suuqa Bakaaraha lagu diley siyaasi horay uga soo mid noqdey barlamanka federaalka oo lagu magacaabi jirey Xaaji Cali Aadan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya, Itoobiya iyo loollanka cusub ee Badda Cas

Suudaan ayaa sidoo kale muddo tobannaan sano ah siinaysay ardayda Soomaaliyeed waxbarasho bilaash ah, oo ay ku jirto xilligii dagaallada sokeeye.

  • Soomaliya

    07-10-2026

  • 11:00AM

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM