Waanwaan laga dhex-bilaabay Galmudug iyo Ahlu Sunna

Image
Burburka wadaxaajoodkan ayaa laga cabsi qabaa in uu dhabaha u xaaro dagaal qaraar.

DHUUSAMAREEB, Galmudug - Wadahadalo la doonayey in la isugu soo dhaweeyo hogaanka Galmudug iyo Ahlu Sunna ayaa kusoo dhamaadey natiijo la'aan, sidda a xaqiijiyeen illo war-gal ah.

Sida ay muujinayaan warbixinadda, wadaxaajoodkan waxaa hormuud u ahaa mudaneyaal ka tirsan baarlamaanka maamul goboleedkan kuwaas oo tagay magaalada kooxdu qabsatay ee Guriceel.

Xogta ayaa intaas ku dareysa in burburka gorgortanka ay ka dambeysay markii dhinacyada ay tanaasul ka muujin waayeen qodobada ay lasoo shir-tageen kuwaasoo ahaa saddex qodob.

Hogaanka Ahlu-Sunna oo kala ah Sheekh Shaakir iyo Macalin Maxamuud ayaa lagu waramay in ay dalbadeen in wadaxaajood la bilaabo ayaga oo haysta magaalada Guriceel.

Balse, madaxda Galmudug ayaa laga soo xigtey in ay ku doodeen in marka hore ay kooxda faarujiso Guriceel kuna wareejiso ciidamadda dowladda federaalka iyo kuwa maamulka ee banaanka ku sugan.

Sidoo kale, hogaanka Galmudug oo uu ugu horeeyo Axmed Cabdi Kaariye [Qoorqoor] ayaa lasoo tabiyey in ay ku adkeysteen in wadaxaajoodka uu noqdo mid aan wadan shuruudo doorasho.

Ahlu Sunna oo labadii sano ee lasoo dhaafay ka maqneyd saaxada siyaasadda Galmudug ayaa dhowaan dib ugu soo laabatay degaanka waxaana ay durba si deg-deg ah ku bilaabeen dhaqdhaqaaq.

Soo laabashadooda ayaa kusoo aadey xilli dalka isugu diyaarinayo doorashooyin. Dad badan waxay arrintaan ku abuurtey shaki. Qaar badan waxay la xiriiriyeen maamulka waqtigu ka dhacay Farmaajo.

"Dagaalka Galmudug waa qorshe Fahad iyo Farmaajo ay ku doonayaan inay doorashooyinka ku carqaladeeyaan!. ASWJ waxay u socdaan inay Al-Shabaab la dagaalamaan ee haloo fasaxo, doorashooyinkana ha socdaan," ayuu yiri Jeneraal Cabdalla Cabdalla, taliye ku xigeenkii hore ee hay'adda sirdoonka Qaranka.

Jananka ayaa ku daray: "Waxaa yaableh ciidan diyaaradaha lagu daabulayo marka ASWJ la arko, marka AlShaabab dagaalka soo qaadaana hubka looga soo cararayo! Baroorta orgiga ka weyn. Laba Alshabab waa iska warqabaan".

Burburka wadaxaajoodkan ayaa laga cabsi qabaa in uu dhabaha u xaaro dagaal qaraar oo toos ah kaasoo dhexmara labada dhinac iyadda oo shacabka ay noqonayaan kuwa ugu badan ee dhibta soo gaarto.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM