Safaarada Soomaaliya ee Nairobi oo shaqo joojin sameysay

Image

NAIROBI, Kenya – Safaaradda Soomaaliya ee waddanka Kenya ayaa Arbacada maanta ah waxay ku dhawaaqdey in laga bilaabo Khamiista berri ah ay hakin doonto gabi ahaanba adeegyaddii ay bixin-jirtay.

Sidda lagu daabacay ciwaanada baraha bulshadda ee safaaradda, talaabadan ayaa si toos ah waxay ula xiriirtay go'aankii ay Dowladda federaalka ah xiriirka diblumaasiyadeed ugu jartay dhigeeda Kenya.

"Qof kasta oo baasaboor dalbaday ama sugayay waxaan ogaysiinaynaa in uu soo doonto ugu dambeyn maalinta Khamiista ah," ayaa lagu yiri bayaanka kooban ee safaaradda ku faafisay bogageeda xiriirka bulshada.

Habeenimadii Isniinta ee todobaadkan ayay ahayd markii Wasiirka Warfaafinta, Cismaan Dubbe, uu telefishinka dowlada ka akhriyey qoraal uu ku sheegayo in dowladda cilaaqaadka u jartay dhigeeda Kenya.

Mr Dubbe ayaa ku eedeeyay xukuumadda Nairobi in ay "si joogta ah ugu xadgudubtay madax-banaanida Soomaaliya".

"Dowladda Soomaaliyeed waxay lasoo baxeysaa dhamaan diblumaasiyiinta ka jooga Kenya, iyadda oo fareysa kuwa Kenya in ay waddankooda ugu laabtaan muddo 7 casho ah," ayuu hadalkiisu raaciyey.

Wasiirka Arrimaha Dibadda, Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud oo u waramay laanta Af Soomaaliga ee VOA-da, ayaa tilmaamay in Kenya ay "nagu haysato dhulkeena, baddeena iyo madax-banaanideena".

Dowladda Kenya oo sheegtay in aysan helin wargelin rasmi ah oo Soomaaliya ku jareyso xiriirka ka dhaxeeya ayaa tilmaamtay in aysan qaadi doonin talaabo lamid ah go'aanka ay ku dhaqaadey dhigeeda Muqdisho.

Go'aanka ay dowlada Soomaaliya xiriirka ugu jartay Kenya ayaa wuxuu yimid xilli ay Nairobi booqasho saddex casho ah ku tageen wafdi Somaliland oo uu hogaaminayo madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Xiriirka Soomaaliya iyo Kenya ayaa hoos-u-dhacay tan iyo markii uu xukunka qabtay madaxweyne Farmaajo oo muddo xileedkiisu sii dhamaanayo, waxaana ugu wacan Villa Soomaaliya oo dano gaar ah wadata.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Warbixin Cusub: Imisa duqeyn ayuu Mareykanka Soomaaliya 2025

Dhibaatooyinka dhinaca amniga ee Soomaaliya waxaa sii adkeeyay go'aan dhawaan ka soo baxay Wasiirka Maaliyadda ee Soomaaliya Bihi Iimaan Egeh.

  • Soomaliya

    06-03-2025

  • 08:53AM

Axmed Madoobe Oo Ka Dagaalka Gobolka Shabeellaha Dhexe

Dagaalka milateriga ee ka socda gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sababay dhimashada in ka badan 200 dagaalyahan oo ka tirsan Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    05-03-2025

  • 02:11PM